WAR DEGDEG AH- Raysal Wasaaraha Malaysia, Oo Xaqiijiyay In La Helay Burburkii Diyaaradii La Waayay Ee Ay Saarnaayeen 239 Qof

0

Wakaaladaha Wararka-(HWN)- War deg deg ah oo hada soo dhacay ayaa sheegaya in Raysal Wasaaraha dalka Malysia, uu si rasmi ah u xaqiijiyay in baalkii diyaarada ee laha helay badweynta India, uu ahaa qeyb ka mid ah diyaaradii la waayay ee luntay bishii March, sannadkii 2014-kii, ee ay lahayd Shirkada diyaaradaha ee Malysia, ee ku jirtay duulimaadkii tirsigiisu ahaa MH370

Raysal Wasaaraha wadanka Malysia, waxa uu xaqiijiyay in khubaradii baadhaysay burburka diyaaradani ay si dhab ah u xaqiijiyeen in baalka diyaarada ee la helay uu ahaa qeyb ka mid ah burburkii diyaaradan oo siday 239 qof oo rakaab ah.