Madaxtooyada Oo La Sheegay Inay Qorshaynayso Kala Saarista Musharaxa Madaxweyne Ee Kulmiye Iyo Jagada Gudoomiyaha Xisbiga

0

Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay inay qorshaynayso sidii labada bilood ee soo socda loo kala saari lahaa labada jago ee guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE.

background-position: initial; background-repeat: initial;”> Ilo ku dhow dhow madaxtooyada, ayaa Geeska Afrika u sheegay in la filayo in shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo wakhti aan dheerayn la qaban doono lagu dooran doono murashaxa madaxweyne ee xisbiga uga qayb geli doona doorashada soo socota iyo weliba murashaxa madaxweyne-xigeen, sidoo kalena waxa isla shirkaas lagu dooran doonaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. Qorshahan ayaa ah mid ay madaxtooyadu ku doonayso inay ku dejiso in loolanka xisbiga mudada dheer ka dhex taagnaa uu xisbiga iyo taageerayaashiisaba dhaawac u gaysto. Waxaana la aaminsanyahay in Madaxweyne Siilaanyo dhawaan cadayn doono inaanu doorashada dambe murashax ahayn islamarkaana uu dhisayo cidda uu xisbiga KULMIYE u garto inuu murashax u noqdo doorashada dambe.Wakhtigan waxa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ah Md. Muuse Biixi Cabdi, oo la filayo inuu xisbiga dhexdiisa uga tartamo murashaxnimada, waxa kale oo iyaguna murashaxnimada xisbiga kula tartami doona Maxamed Biixi Yoonis oo ah wasiirka arrimaha dibadda, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo isagu maalmo ka hor si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharaxa.

Geesta kale, jagada guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ma jirto cid weli si cad u sheegtay inay u baratami doonto, waxase la filayaa in tartanka guddoomiyaha KULMIYE noqdo mawduuc isna la miisaan ah murashaxa xisbiga KULMIYE, waxaana la hadal hayaa wasiiro iyo siyaasiyiin kale oo hunguri ka hayo inay qabato jagada guddoomiyaha xisbiga KULMIYE marka la doorto murashaxa madaxweyne iyo ku xigeen ee xisbiga KULMIYE.