EU Oo Bogooda Twitterka Ku Baahiyay In Ay Xogaha Xaqiiqda Somaliland Kala Baxaan Mareegaha Internetka

0
Ururka Midowga Reer Yurub ee Loo Yaqaan EU oo albaabada u laabay qeybtii u dambeysay ee Xafiiska ay ku lahaayeen Somaliland ayaa, markii u horeysay Bogooda Twiterka ku baahiyay in ay xogta wararka xaqiiqda ah iyo xaalada dhabta ah ee ka jirta Somaliland ay kala baxaan maraajiicda Mareegaha bogaga internetka oo ay sanadihii u dambeeyay u sameysteen bog u turjuma wararka lagu baahiyo.

Ururka Midowga Yurub ayaa qeybtii u dambeysay, si rasmi albaabada ugu laabay Xafiiskooda Hargeysa, oo la furey sanadkii 1996kii waxaanay talaabadani qeyb ka tahay sida ay cadeeyeen Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland kadib, markii ay wax natiijo ah ka waayeen dhinaca Xukuumada oo ku sahabsan

arimaha muranka doorashooyinka, taas oo ay hore Xukuumada cadaadis ugu saareen in, muranka lasoo afjaro haseyeeshee, Golaha Guurtidu mudo kordhin ku laayay rajadii ay abeen Midowga Yurub, oo u badan deeq bixiyayaasha Somaliland ka caawiya arimaha Dimuqraadiyada iyo Doorashooyinka,waxaanay markii u horeysay Midowga Yurub(EU) ku baahiyeen bogooda Twitterka in ay xogaha iyo arimaha xaqiiqda xaalada Somaliland ka qaataan mareegaha internetka oo ay indhawaale u sameysteen bog u turjuma wararka af soomaaliga ku qoran kuwaas oo ay kaga bogteen xogo badan oo inta ugu badan lagu dhaliilayay mudo kordhinta Golaha Guurtida, nidaamka Maamulka xiligan iyo geedi socodka Golaha Xukuumada ee marada is burinaya iyo khilaafyada u dhexeeya dhinacyada Xisbi Xaakimka iyo Golaha Xukuumada dhexdooda.

Wixii warar ah ee kasoo kordha asbaabaha ugu waaweyn ee loo aaneynayo, Xidhitaanka Xafiiska Midowga Yurub ku lahaa Somaliland, oo bulshadu siweyn u hadalhaysay shaley ilaa maanta islamarkaana, la hadalhayo in ay Somaliland sumcad ahaan, iyo Maamul ahaanba saameyn ku yeelan doonto.