Jaamacada Hargeysa Oo Loo Magacaabay Gudoomiye Ku Meel Gaadh Ah Iyo Garabyadii Is Hayey Oo Meesha Ka Baxay –

0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Sacad Cali Shire oo ka mid ah guddida jaamacada Hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay xaalada jaamacada Hargeysa, oo muddooyinkii ugu dambeeyey khilaaf ka taagnaa u xidhnayd, waxaanu sheegay inay hadda soo afjareen khilaafkaas oo u dhexeeyey maamulka  iyo laba hormood oo ka tirsan jaamacada, waxaanu wasiirku sheegay si khilaafka loo xaliyo, loona dajiyo xaalada Jaamacada inay ka soo saareen qodobo ay ka mid yihiin in amniga la sugo, in guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka


Jaamacada laga aqbalay istiqaalada ay soo gudbiyeen in labadii macalin ee ay is hayeen maamulka jaamacada in iyana sidaas ay kaga maqnaadan jaamacada iyo in Mahdi Cabdilaahi Cismaan Buuri uu noqdo gudddoomiye ku meel gaadh ah.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Sacad Cali Shire oo Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Waxa aanu Maansoor kula kulantay guddidii Jaamacada, guddidu markii ay shirar badan ka gashay xaalada jaamacada, iyada oo xal raadinaysa waxa ay soo saartay lix qodob, isla markaana la tashanaysa Hay’addaha amni ee arintani quseeyso, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, lixdaas qodobna waxa weeye

1-In Jaamacada la furo Sabtida, 2-In amnigeeda la sugo, 3-Dadkii fal-damiyeedka ka galay Jaamacada in sharciga la mariyo, 4-In guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka uu guddidu ka aqbalay istiqaaladii ay dhibeen, 5-In labadii macalin ee Jaamacadu hore u eriday ee sharciga ay marisay inay Jaamacada sidaas kaga maqnaadan oo aanay ku soo noqon, 6-In maamule ku meel-gaadh ah uu noqdo Mahdi Cabdilaahi Cismaan Buuri oo Wasiir hore ahaan jiray”.

Wasiir Sacad Cali Shire u waramaya ayaa sidoo kale dardaaran iyo dhiirigelin u soo jeediyey ardayda Jaamacada, waxaanu ugu baaqay inay ku dadaalan Waxbarashadooda, si ay musqbalka u noqdaan madaxda dalka, waxaanu sidoo kalem macalimiinta ugu baaqay inay si wanaagsan ardayda waxa ugu dhigaan “waxa aanu rajaynaynaa in qodobadaasi xal inoo noqdaan, oo jaamacadu noqoto goob tacliimeed, oo ardaydu tacliin u yimadaan oo aanay wax kale u iman, macalinkuna uu ardaygiisa ku dadaalo sidii uu wax u bari lahaa, si jaamacada ay uga soo baxaan hogaamiyayaashii bari wadankan hagi lahaa”