Hanki Iyo Hiigsigi Ummadda S/L Iney Ka Mid Noqoto Dawlad La Aqoonsan Yahey Halkey Dhigtey Xukuumadda Kulmiye ?

0

Waxaan akhriyeey warbixin ay qortey warsidaha caanka ah ee  (wiki leakis ) ka soo jabsatay safaaradda mareykan ee Addis ababa oo cinwaankeedu yahay Rai’sal wasaarihi hore Ethopia Hon.Meles zenawi oo uu olooleynaya in S/L heesho Ictiraaf gaar ah ama xadidan ( The late Prime minister of Ethopia Mr.Meles Zenawi lobbying for a semi autonomous recognition’ status for S/L ) .

Waxaaney sheegeysa warbixintani in Meles la shirey wasir ku xigeenka mareykanka arrimaha dibedda Phil Carter january 30,2009, una sheegey innu la soo hadal qaadey Rayaale madaxeynaha S/L ictiraafka gaarka ah side dawladda falastiin, kana heley dareen celin fican .

Markaa in talaabada labaad looga baahan yahey  beesha caalamka iney

ku qanciso Rayaale faa’idada ay u ledahey siyaasadan S/L ,waxaanu ku dooday Zenawi in S/L oo hesha ictiraafkaa xadidan iney u fududeyneyso beesha caalamka la macaamilka iyo taageerida S/L dhinacyo badan sida nabad gelyada gobolka, iyo horumarinta arrimaha dimoqraadiyada S/L .Waxaanu carabka ku adkeyey inaan la aqbali Karin heerka xidhiidka S/L iyo beesha caalamku ku sugan yahey waqtigaas oo loo bahan farsamo sharci oo lagu la macaamilo karo S/L .Inkasto uu Meles ka dhegestey wasiir ku xigeenka dhaliilo uu dhaliilaayo Rayaale daahidda qabsoomidda  doorashada ( Taaso doorashadi qobsoontey 26 june 2010 si nabad gelya ahna loogu wareejiyey madaxweyne Silaanyo ) .

Meles wuxu uu soo jediyey wasiir ku xigeenka in S/L uu baahantahey cid uga olooleysa uruurka midnimada Afrika si loogu qanciyo arrintaa ,waxaanu carabaabey Ismaaciil Cumar Geelle madaxweynaha Djibouti,isaga oo isagu iska fogeeynaya arrintaa si’ aan loo odhan Ethopia kala go’ goyneysa Somalia,Mareykankana iyo Igriiskana wuxu ka codsadey iney beesha caalamka qanciyaan marka Afrika lasoo ogoleysiyo .

Waxa nasiib darro ah markaad dib u jeleecdo heerka aynu waqtigaa mareyney iyo waxa dhaceya maanta sida muddo kordhinti ay guurtidu u sameeysey Silaanyo iyo barlamaanka iyo ku xadgudubka saxaafadda iyo xuquuq al insaa’nka oo sababtey in Mareykanku cadaadis saaro dawladda Saudi Arabia si ay visada iyo kaalme dhaqaale oo boqol million ah ( siday qortey warsidaha India Ocean ) ugu diido Silaanyo iyo S/L ,maantana albaabada loo laabey xafiiski EU da..

Alla mahad leh,

Eng. Bashe C Gaboobe.

Email: gaboobe _3 @hotmail.com