Qadhaankii Dekeda Lughaya Loo Ururshay Xaguu Ku Dambeeya? By Maxamed Jeex –

0

Waxaan ka aamusnaa mudo ee xageebuu ku dambeeyay qadhaankii lacageed ee loo soo ururshay dekeda lughaya ma waxaa cunay dadkii hayay mise weli waa lahayaa,waxaa cajaa,ib ah beel weynta samaroon waxay ku dhawaaqeen mudo hore inay dhistaan deked lughaya oo ay ka dhistaan magaalo xeebeedka lughaya

Arintaasi markii lagu dhawaaqay bulsho weynta samaroon wey ku farxeen meel kasta oo ay joogaanba gudo iyo dibadba waxayna ugu farxeen iyagoo arkaayay inay ka maarmayaan dekeda berbera iyo djibouti.

Waxa kaleh oo ay ku farxeen shirkii beel weynta samaroon ee ka dhacay gob waxay rajo weyn ka qabeen in umadii samaroon ay isku soo dhawaadeen.

Maxaa kala


daadiyay hamigii weynaa ee reer sheekh samaroon wadeen ee ay aaminsanaayeen in horumarka gobolkooda ay ka shaqeeyaan.

Aaway wadajirkii beel weynta samaroon?…………………
Xagay ku dambaysay? ……………..
Maxaa horjooga?…………………….

Hadaba beel weynta samaroon maxay wax u wada qabsanlaayihiin markay wax dhacaan maxay u heshiinlaayihiin ma waxay rabaan inay sidaas ku jiraan oo ay dhibtu haysato waligoodbay rabaan maxay tahay u jeedadoodu ma sidaasbay dan moodeen mise wey fikiri doonaa oo wey isbadalayaan bal waxaan sugaynaa inay dib u fikiraan beelaha samaroon.

Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels. –