Hanti-dhawarka Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Baadhitaano Hore Leh Ka Bilaabay Dalka Iyo Saraakiil Uu Xeer Ilaalinta Ka Codsaday In Xabsiga

0

Hantidhawraha Guud Ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamuud Aw Cabdi Muxumed (Maxamuud Dheere) oo Maanta Soo Saaray Warsaxafadeed Ayaa Ka Waramay Hawlo Baadhitaan Oo Hor Leh Oo Ay Ka Bilaabeen Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka, Sida Gobolada Salal, Awdal, Togdheer, Iyo M’jeex. Waxaana Hantidhawraha Guud Sheegay In Baadhitaanadani Yihiin Kuwo caadiya Oo ay Alaaba Haydani Ku Qaado Xarumaha Kala Duwan, Waxaana Intaasi uu Ku Daray In Ilaa Hadda Ay Baadhitaanada Ay Sameeyeen Ee Gobolada Salal Iyo awdal Ay Kusoo Heleen Saraakiil Ka Hawalgalayey Xafiiska Cashuuraha Bariga Wasaarada Maaliyada ee Gobolka Salal Ku Kacay Falal Musuqmaasuq Oo Noociisu Ku Cusubyahay Dalka, Iyagoo Isticmaalay Foojaro Faalso Ah oo Been Abuura,

Islamarkaana Markaana Xafiiska Hantidhawrka Guud EE Qaranka Somaliland Isagoo Masuul Ka Ah Ilaalinta Hantida Qaranka, Waxaa uu Waaran Soo Qabasho Ah U Diray Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka Somaliland, 

Hantidharaha Guud Oo Arimahan Ka Hadlaya Ayaa Yidhi Sidan, ‘ Xafiiska Hantidhawrka Qaranku Isagoo Gudanaya Waajibaadkiisii Shaqo Waxaa Uu Baadhitaano kala Duwan Ka Bilaabay Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka, Gaar Ahaa Salal, Awdal Maroodijeex, Iyo Togdheer, Iyadoo Markaa Badi Lagu Gudo Jiro Baadhitaanadii Waxaa Ilaa Hadda Noo Cadaatay Iyo Laba Sarkaal oo Joogay Xafiiska Cashuuraha Bariga Ee Gobolka Salal aanu Xeer Ilaalinta Ka Codsaney Waaran Soo Qabasho, Markaa Wixii Baadhitaan Ah ee Kolay Waan Waafiqin Nidaamka ee Xeerarka Shaqo Ee Qaranka Somaliland Waxaanu u Gudbindoonaa Hayadaha Ku Shaqada Leh Si Loo Mariyo Ciqaabtiisa,’

 

Sikastaba Ha Ahaatee Baadhitaanadan ay Wadaan Hantidhawrka Guud Ee Qaranka Somaliland Oo ah Kuwo Lagu Ilaalinayo Hantida Umada Shacabka Somaliland Ayaa Intooda Badan u Badan Dawladaha Hoose Ee Dalka.

 

Warsaxaafadeedkan ayaa kasoo baxay  Xafiiska hantidhawrka Guud Qaranka Somaliland