Rikoodhkoodii iyo Raad Raacii Madaxweyneyaashii kala danbeeyey ee soo maray Somaliland. Qalinkii A/rahman fidhinle UK‏ July 21, 2015

0

Madaxweynayaashii Somaliland soo marey waxaa mid walba lagu xusuustaa raad raaciisa hogaamineed, karaamadiisa shaqsiyeed iyo wax qabadkiisii ugaarka ahaa. Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland Mudane A/rahman Ahmed Ali naxariistii jano alleh ha ka waraabiyee mudadii uu wadanka Hogaaminaayey wuxuu ahaa waqti aad u-adag oo kala danbeyntu yareyd oo hubka lawada haystey laakiin wuxuu ku guuleystey in aanu Magaca iyo milgaha Somaliland aaney gacamihiisa ku bur-burin waana uu ku guuleystey oo wuxuu ku wareejiyey Madaxweyne Cigaal. 

Madaxweynihii labaad ee Somaliland soo marey wuxuu ahaa Alleh haw-naxasiistee Mohamed Xaji-Ibrahim Cigaal, naxriistii jano Alleh ha-ka waraabiyee  waxaa uu ahaa Siyaasi ruug cadaa ah, Wuxuu ahaa aas aasihii dhidibada utaagey hanaankii dawladeed iyo geedi socodka  dimuqraadiga ah ee maanta Somaliland ku fadhido. Wuxuu bud-dhigay sadexda Dhar-dhaar ee dawaladnimadu Somaliland maata ku fadhido oo kala ah Wakiilada, Fulinta iyo Garsoorka, Madaxweyne Cigaal waxaa la isku raacey in uu ahaa Madaxweyne Qowmiyadeed ee aanu aheyn madaxweyne Qabiil.
 
Madaxweynihii sadexaad ee Somaliland soo maraa wuxuu ahaa Mudane Daahir Riyaale Kaahin waana maxadweynihii ku guuleystey fulintii sii amba qaadkii dariiqii hanaankii dimuqraadiga ahaa ee madaxweyne Cigaal uu u jeexay Somaliland. Wuxuu Mudane Riyaale fuliyey in qaranka  Somaliland uu ku dhaqmo  mabaadiida siyaasadeed ee xisbiyada badan isaga oo ku guuleystey hirgelintii doorashooyinkii badnaa ee kala danbeeyey ee Somaliland caalamku ku amaaney. Waxaa Riyaale lagu xusuusan doona sidii geesinimada laheyd ee uu maamulka Somaliland u-fidiyey iyo sidii uu u sugay dhamaan nabadgelyadii guud ee Somaliland. Waxaa lagu xusuusan doona sidii uu isugu lingaxay ee uu burcadka isugu mariyey  beelaha walaalaha ah ee Somaliland wada dega. Madaxweyne Riyaale si uu ictiraaf buuxa u raadiyo wuxuu la kulmay 10 Madaxweyne oo African ah sida Hogaamiyaasha, Eithoipia, Rwanda, Ugandha, Tansaniya, Zambiya, Gaana, Naijeria, Togo, Kenya iyo South Africa iyo hogaamiye yaasha America iyo  ingiriiska.
 
Madaxweynihii afraad ee Somaliland waa Madaxweyne  Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu noqday  Madaxweynihii Somaliland soo mara kii uguna nasiibka badnaa uguna nasiibka xumaa.Wuxuu ahaa Madaxweynihii ugu nasiibka badnaa oo waxaa mudane Daahir Riyaale Kaahin uu ku wareejiyey wadan degan oo nab doon oo ubaahnaa uun in la dhaqaajiyo oo gibisha loo xidho dimuqraadigii socod baradka ahaa iyo hayadihiisii dawladeed. Laakiin nasiibdaro wuxuu noqdey kii ugu nasiibka darnaa ee Somaliland soo mara ka dib markii uu hintaaqiyey ee uu wiiqey lugihii Jilicsanaa ee uu ku taagnaa dimuqraadigii curdinka  ahaa ee Somaliland ku taamaysay mudada dheer. Madaxweyne Siilaanyo  waxaa shacabka reer Somaliland ay qireen in uu noqdey Madaxweyne qabiil oo qabyaaladii dib u soo celiyey oo muu noqon madaxweyne Qomiyadeed. waxaana  aan gun dhig laygu garaabo uga dhigayaa siduu ka yeelay ilihii dhaqaalaha ee dalka, manfacii, qandaraasyadii, dantii guud,mansabkii, magantii, mooradii  iyo keydkii iyo collective asset kii dalka oo dhan oo uu kawada yeelay weecsin iyo beegsin oo uu ku gufeeyey beelo gaar ah  iyo shaqsiyaad gaar ah muskood iyo misxirirtood.
Madaxweyne Siilaanyo muu uxaqsoorin shacabkii doortey ee dirtey , wuxuuna noqdey  Madaxweyne dhinac u ciiray oo aan ummadda umuujin sinaan iyo cadaalad,taas oo ay xukuumadiisuna  ay isku khaladey runtii iyo beentii, Doorashadii iyo Diiwaangelintii,fariidkii iyo nacaskii , mujaahidkii iyo faqashtii, daneystihii iyo daryeelihii, fashilaadii iyo guushii, qoyskii iyo qarankii, guurtidii iyo komishankii, xisbiyadii iyo xoghayntii, fulintii iyo Wakiiladii. Xukuumada Siilaanyo Waxay isku xeertey duul qaldhabaaya oo qawdhamaaya oo aad moodo in aaney wadankaba udhalan oo eryanaaya uun dano gaar ah, magac aaney mudneyn, maal aaney xoogsan,maa muus aaney kasban, shaqsi jecleysi raadinaaya uun xukun dheeraad ah iyo xoolo aan bireysneyn oo booli ah. Wuxuu isku xeeray duul aan hadal umeel dayeyn  kuwaas oo  isku khalda xogta iyo xaqiiqda maanta Somaliland  taala. wuxuu isku xeeray duul heerkula qabyaaladeed uu meel xun gaadhay kuwaas oo shaqaalahoodii iyo shacabkiiba ku dhextuuray xin, xiqdi iyo xajiin qabali ah. Wuxuu isku xeeray duul garaad gaaban oo aan kala aqoon hantida qaranka, awooda qaranka iyo shuruucda qaranka (Dastuurka iyo Xeerar kiisa )
 
Nasiib-daro Maanta waxay hantidii maguuraanka aheyd ee ummadda Somaliland oo dhan udhaxeysey ay gacanta ugashey  koox yar oo dhereg dhaaftey oo aan danahooda mooyaane aan aqoon daryeel kale oo dhaafsiisan. Madaxweyne  Siilaanyo wuxuu Ribo iyo Ra’iis ugu balan qaadey hawl-wadeenadii ugu sareeyey sharci dejinta dalka taa soo aheyd goobtii lagu abuuraayey, laguna ansixinaayey, laguna meel-marinaayey sharciyada uu soo curiyo isagu. Hadaba maadaama meel marinta qawaaniinta distooriga ah ee Somaliland ay had iyo jeer  ku dhacaan qaab gacan taag ah, waxaa halkaa ku sarifmey oo ku milmey oo ku fasaqmey oo uu Virus ku galey haykalkii dawladnimo, Doorashooyinkii, higsigii iyo habsami u-socodkii hawlihii qaranimo.Waxaana meesha ka baxdey xilgudashadii, isxisaabintii, dhiirigelintii hanaankii dimuqraadiyeed , maslaxadii, maamuuskii  iyo masiirkii guud ee ummadda Somaliland. Bal-hadaba Muwaadinow, Sideebay wax u kala soconayaan mar hadii xukuumadii seegtey tubtii toosneyd oo ay turun-turootey oo ay taraartey waqtigeediina uu dhamaaday ? Bal waa yaabe yaa tilmaa-maaya oo ku toosi naaya Toobiyaha  toosan ??    Jawaabta oo koobani waa cidna  ee yaaney ku jiidhin!!
 
La soco qormooyinka danbe——————————–!!!!!!
 
 
Alleh ayaa mahada iyo Mudnaantaba Leh.
Wa-La-hum-Aclum.Wa-Billahi-Towfiiq
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii A/Rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaab
Intensive ED.BD PA
United Kingdom