Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Sida ay Ula Muuqato Maqnaanshaha Shirka Mucaaradka Ee Cali Guray

0
Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay sida uu u arko maqnaanshaha uu Gudoomiye Xigeenka Saddaxaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf uu kaga maqan yahay shirka mucaaradka.

Waxa kale oo uu weeraray wargeyska Afka Xukuumadda ku hadla ee Dawan.

Waxaana uu arrimahaasi kaga hadlay waraysi uu siiyay Som News TV, Waxaana uu yidhi

“Qofka Bini’aadmiga ahi fikir shakhsi ah wuu yeellan karaa, Maqnaanshaha uu Cali Guray ka maqnaaday isaga ayay gaar u tahay.

Laakiin mucaaridkii cid waliba way joogtay shirka isaga ayaa ka maqnaa oo ay ku kooban tahay xisbi ahaan lama qabno fikirkiisa. Shirkan mucaaridku way u dhan yihiin oo waanu ka



qeyb gelaynay. Manay ahayn inuu sida uu u hadlay u hadlo,”ayuu yidhi Jamaal yare oo la Hadlayay TV-ga Som News TV.
Geesta kalena,Majaajilayste Jamaal Cali Xuseen oo la weydiiyay waxa ka jira in khilaaf u dhaxeeyo isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxaanu kaga jawaabay inuu aflagaado uu u jeediyay wargeyska DAWAN, Waxaanu yidhi “Horta bini’aadamku waa kala duwan yahay, waxa beentaasi faafin jiray wargeyska Dawladda oo aan Anigu Dawan ma Idhaahdee Dawakh aan u aqaano. Warbaahintii ummaddu wada lahayd ayaa loo adeegsanayaa baro-bagaandeynta xisbiyadda mucaaridka ah. Markaa arrintaasi waa dacaayadahoodii raqiiska ahaa. Runtii waa ayaan darro Annagu waanu dulqaadanaynaa. Laakiin iyagu (dawladdu) ma dul-qaadanayaan oo waa kuwaa xidh-xidhaya wargeysyadii.”