Ururka Yes-sports ee fadhigiisu Yahay Holland Oo Agab Ciyaareed Soo Gaarsiiyay Degaanada Baki, Xariirad, Lafaciise iyo Araabi –

0

Iyada oo baahida dhinaca agabka ciyaaraha ah ee ka jirta dalu ay aad u badan tahay, isla markaana ay wax ku ool iyo mid loo baahan yahay oo lagama maarmaan ah ay tahay taageero kasta oo dhinaca agabka ciyaaraha ah oo ay dhalintu hesho ayaa waxa uu mar kale ururka Yes-sports oo fadhigiisu yahay dalka Holland oo ah urur ay ku bahoobeen dhalinyaro muwaadiniin qurbojoog ah ah oo wali ku xidhan dhulkoodii hooyo ay sidii caadada u ahayd markale soo gaarsiiyeen degaanada baki, Xariirad, Lafaciise iyo Araabi, agab dhinaca ciyaaraha ah oo aad u muhiim ah, si wayna manta loogu baahan yahay.

Madal si heer sare ah loo soo agaasimay

ayaa agabkan ciyaareed lagu wareejiyay, waxana madashan soo qaban qaabiyay Md. Cabdi Idiris Axmed oo aalaaba uu ururka Yes-sports ku soo hagaajiyo qabaka ciyaareed iyodeeqaha kale ee ay dhalinta ku dhiiri galinayaan, waxana madashan ugu horayn ka hadlay Md. Maxamed Cumar Cali waxana uu ka waramay agabkan waxa uu ka kooban yahay iyo waxa loogu talo galay, waxana uu yidhi “ Waa Alle mahadii, waxana aan manta mar kale u joognaa in aan wareejino, qalab ciyaareed oo ka yimid ururka Yes-sports, qalabkan oo loogu talo galay in lagu dhiiri galiyo ciyaaraha si ay dhalinyaradu u noqdaan kuwo fursad u hela ciyaaro hufan oo msakaxda iyo muruqaba ka dhisa, ayaa waxa uu ka kooban yahay, diraysyo dhamaystiran, Kabo, iyo dharka kale ee tababarada loogu talo galay.”

“ Waxa aan si gaar ah ugu mahad naqaynaa bahda ururka Yes-sports ee kala ah Gudoomiyaha ururka Md Mahdi Faarax Aadan (Mahdi Gaandhi), Xoghaya Yes-sports Md. Liibaan Nuux Buux, iyo Xubnaha ururka ee kala ah Md.n Xasan Cabdi Muuse, Md. Aadan Muuse Odowaa iyo Md. Cabdilaahi Miicaad Caynaan, waxana aan ka marag kacaynaa in dhalinyaradan ku bahawday Yes-sports ay yihiin kuwo ku sifoobay, gacan-qabadka dhalinta iyo guubaaninta kor u qaadista ciyaaraha, waxana aan Eebe ugu baryaynaa in uu Miisaanka Xasanaadku ugu daro” ayuu yidhi Md. Maxamed.

Isaga oo hadalka sii wata waxa uu Md. Maxamed yidhi “Deeqdan oo aan hayn tii ugu horaysay ee ka timaada Yes-sports ayaa manta waxa loogu talo galay in la gaarsiiyo oo lagu dhiiri galiyo dhalinyarada ciyaaraha jecel ee degaanada Baki, Lafaciise, Araabi iyo Xariirad, waxana aan rajaynayanaa in ay dhalintii loogu talo galay gaadho doonto alaabtani.

Xil. Siciid Muuse Xoosh (Rooble) oo gudoomay qaybta agabkan ciyaareed ah ee loo soo diray Xariirad ayaa ka mahad naqay, waxana uu yidhi “Waxa aan aad ugu mahadnaqayaa Yes-sports iyo asaxaabka ku bahowday, runtii agabkan aan gudoonay manta ayaa ah agab ay hubaal tahay in ay wax badan ka tari doonaan baahida ciyaareed ee ka jirta degaanka Xariirad, waxa aan balan qaadayaa in aan gaarsiiyo, waxana aan hubaa inay ku farxi doonaan, waxa aan idiinka mahad celinaynaa markale sida balaadhan ee hagar la’aanta ah ee joogtada ah ee aad u taageertaan ciyaaraha.

Xildhibaan Cabdiqani Daauud Qalinle oo agabkan ciyaareed u gudoomay degaanka Lafaciise ayaa isaguna xusay in Yes-sports iyo dhalinta ku bahawday ay yihiin kuwo lafdhabar u ah taakulaynta iyo kobcinta ciyaaraha waxana uu yidhi “Gobolada Adwal, Salal, Gabilay iyo Qabaleega Harawo ee Ethiopia waxa ku xusan in Yes-sports ay tahay rukun adag oo ku caan baxay dhiirigalinta iyo kobcinta ciyaaraha si ay dhalintu u noqdaan kuwo si wanaagsan u fikiraya, waxa aan ka mahanaqaynaa taageeradiina, waxana aan sheegaynaa in abaal wayn la idiin hawo ciyaaraha iyo dhalinta ciyaartana aad si wayn u kasbateen, Aniguna waxa aan balan qaadayaa in aan agabka loo qoondooyey ee la igu wareejiyay gaarsiiyo Lafaciise”

Sidoo kale Md. Cabdilaahi Cudad oo gudoomay agabka ciyaareed ee loogu talo galay Baki oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu yidhi “Baki waxa ka jirta baahi dhalintu ay qabaan oo dhinaca ciyaaraha ah, waa hubaal in agabkan lagu farxi doono marka ay u tagaan dhalintii ciyaaraha ee degaanka Baki, waa hubaal in ay Yes-sports tahay saaxiib dhinaca ciyaaraha ah oo ay dhalintu soo dhawaynayso, agabkan waan ka marag kacaynaa in ay gaadhi doonaan dhalintii loo soo diray iyada oo ay dardargalinta ciyaaraha ee dagmadana kaalin wayn ka qaadan doonto.

Md. Cabdirashiid Jamac Cabdi oo oo isaguna agab gudoomay ayaa yidhi “Waxa aan ka socdaa degaanka Araabi oo aan agabkan ciyaareed ee Yes-sports ka yimid u gudoomayo, waan gaarsiin doonaa dhalintii loogu talo galay, waxa kale oo aan sheegayaa in baahida qalabka ciyaarta ay u qabaan dhalintu ay wax badan ka tarayso, waan u mahadnaqayaa markale dhalinyarada muwaadiniinta ah ee gartay in dadkooda ay wax taraan, waxana an ku dhiiri galinayaa bahda kale ee qurbojooga ah in ay taageero soo gaarsiiyaan dhalinyarada, si loo kobciyo muruqa dhalinta iyada oo la hiigsanayo in jidhka fayaw ay ku jirto maskax fayaw, taasna lagu heli karo oo kaliya dhiiri galinta ciyaaraha”

Si kastaba ha ahaatee, Ururka Yes-sports ayaa waxa uu deeqo ciyaareed oo dhalinta qaali u ah hore u soo gaarsiiyeen degmooyinka gobolada Awdal iyo Salal, waxana uu ururkani Yes-sports yahay mid ku caan baxay dhiiri galinta ciyaaraha, kobcinta iyo taageerida dhalinyarada ciyaarta, kor u qaadista tayada bahda garsoorka ee dhinaca ciyaaraha, hiigsiga bulsho ciyaaraha la saaxiib ah oo isdhexgalkoodu sareeyo iyo in dhalinyarada laga hormariyo dhinaca ciyaaraha si ay muruqa iyo maskaxda u maalaan ugana baaqdadaan hadimooyinka ku xeeran ee ay ka mid yihiin balwadaha kala duwan, tahriibta iyo falalka xunxun.