Dawlada Kenya, Oo Telefishanka Caalamiga Ah Ee Maraykanka Ee CNN-ta Ka Dalabtay In Uu Raali-gelin Ka Bixiyo War Uu Baahiya

0

Nairobi-(BGN)- Dawadda dalka Kenya ayaa ka dalbatay Telefishanka caalamiga ah ee dalka Maraykanka, ee CNN-ta in uu raali-gelin uu ka bixiyo war ay baahiyeen oo uu Telefishanku ky sheegay in Madaxweynaha dalka Maraykanka ee Barack Obama, uu booqanaayo “goob ay argagixiso ku xoog badan tahay”.

Dadweynaha dalka Kenya, ayaa si cadho leh ugu jawaabay warkan uu baahiyay Telefishankaasi iyaga oo si aad ah u adeegsanaya shabakadaha ay bulshadu kuwada xidhiidho sida Twitter ka.

Wasiirka Khaarajiga ee dalka Kenya Amina Maxamed, ayaa sheegtay in halista amni daradu aanay ahayn mid khaas ku ah wadanka Kenya, waxaanay fara ku fiiqday in booqashada Madaxweyne Obama, ee

Kenya, ay muujineyso in dalka Kenya, uu yahay dal amni ah oo ganacsigu u furan yahay isla markaana ah rajada muraayada gobalka oo dhan.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama, ayaa la filayaa in habeenimada Jimcaha ee todaabaadkan aymu ku jirno uu booqasho ku imanayo dalka Kenya.
– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=160513#sthash.U1vGaRdY.dpuf