Hogaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Oo Mudaharaad Socod Ah Oo Aan Hore Looga Baran Isku Galaalay Go,aankii Maxkamada Kadib – Kulmiye iyo Xukuumadani markii ay

0

Hargeysa(BGN)-Hogaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo ay horkacayeen Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),iyo Murashaxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo Murashaxa Jagada Kuxigeenka ee Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan masuuliyiin isugu jira Xisbiyada Wadani iyo Ucid ayaa, socod dheer kaga soo galbadey Maxakamada Sare ee qaranka horteeda socodkaas oo ay kusoo daba uugaameenkumanaan kamid ah taageerayaasha Mucaaridka halkaas oo ay isugu soo biyo shubteen Xarunta Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid oo ay kula hadleen Warbaahinta.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee

Wadani ahna Hogaamiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro) oo halkaa hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in xisbiga kulmiye iyo xukuumadu waagi ay mucaaridka ahaayeen shaadhadhka la bixi jireen haseyeeshee, aanay weli iyagu mucaaridada badhanada u furin isla markaana, ay uga lexejeclo badanyihiin cidkastaba dalka iyo dadkaba.
“Walaalayaal dalkan iyo dadkan cid nooga lexejeclo badani majirto waxaad ogtihiin in Kulmiye iyo Xukuumadani markii ay Mucaaridka ahaayeen ay shaadhadhka la baxeen anaguna wali badhanadii maanu Furin”Ayuu yidhi Gudoomiye Ciro waxaanu hoosta ka xariiqey in ay Xisbiyada Mucaaridka ah iyo odoyaasha Madashu qabsan doonaan Shirkii wadatashiga ahaa ee Qaran ee ay ku baaqeen Maadaama ay Maxkamadu fasaxdey shuruuc ahaan.

Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen oo halkaa isaguna ka hadley ayaa sheegay in Wadanka Tuuniisiya isbadelkii xooganaa ee ka dhacay uu ka dhashey wiil isku hor gubay Madaxtooyada isagoo Xukuumadana uga digay in ay ku Tusaale qaataan wadadii uu Marey Mucamar Qadaafi, Siyaad Barre iyo hogaamiyaal awood badan ku faani jirey Qaarada Afrika oo Mustaqablkoodu ku dambeeyay in hadh cad awoodii ay sheeganayeen cidlo ku dhacdey.

Sidoo kale waxa iygauna halkaa si adag uga hadley Murashaxa Madaxweyne Kuxigeen ee Xisbiga Ucid, Cabdirashiid Xasan Mataan Xoghayaha Guud ee Wadani Maxamed Uurcade, Axmed Muumin Seed, Xaliimo Isbiirto, iyo Xildhibaan Qabile oo dhamaantood fariin adag u direy Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen oo hadhwanaagnews gaar u su,aashay bal in Xisbigooda Ucid u dhan yahay talada Mucaaridka iyo in ay kukala aragti duwan yihiin ayaa sheegay in ay u dhan yihiin oo ay shirka u baajinayeen ayaamahan maqnaanshaha Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo dalka dibadiisa ku maqan, inkastoo dareenka Mujaahid Cali Gurey Gudoomiyaha Sadexaad ee Xisbigaasi laga dareemayay in aanay raali ka aheyn in Xisbiyada Mucaaridku wadajir wacyiga xiligan taagan u waajihi doonaan, isagoo ka gaabsadey su,aalo hadhwanaagnews ka weydiisay xaalada Xiligan.

Sikasta oo ay tahay waa markii u horeysay ee hogaamiyayaasha Mucaaridka Somaliland mudaharaad salmi ah oo socod ah ku dhex maraan jidadka Caasimada Hargeysa.