0
Hargeysa(HWN) Qaar Ka Mida Dhalinyarada Dagamda 26 Jun oo maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegeen in ay taageersanyihgiin Mar Walaba Xukuumada Somaliland, Sido kalana Wax ay Isbahaysiga Mucaaridka ugu baqeen in ay Fowdad Dalka Ka Daayaan .

Ugu Horayin Waxa halkaasi ka hadlay Cabdi rashiid cabdi Jeedhe Waxan uu Yidhi “ kolay kulankayagan maanta aan halkan isugu nimi waxa weeye in aan taageero xukuumada somaliland Ee uu gadhwadeenka u yahay Madaxweyne Silaanyo Baaqna Waxaanu u diraynaa Xisbiyada Mucaaridka ah iyo madasha bilaa sharciga ah .

src=”/attached/11777987_676849805749364_619524736_n.jpg” style=” 600px; 400px;” />

Anagu waxa aanu leenahay oo aanu taageeraynaa Nabad iyo horumarka dalka ka taagan waxaanu leenahay wasiirkii hore arimaha Gudaha Duur Duurow Ka Yeeli mayno soo baxa oo sharci daro ku madaharaada taas kaa yeeli mayno, Qoladan madasha waxaan leeyahay waxaad tihiin niman dalka sumcad ku leh mucaaridadiinu waxa ay hagaagsaa Marka aad sadexda xisbi qaran mid gashaan .

Sido kale waxa isna halkaasi ka hadlay Cabdi laahi Faarax Waxanu Yidhi “ Xaalada ay mucaaridku maanta dalka la marayaa waa meel xun waliba rag aan mucaarid lugu tilmaami Karin xisbina lugu tilmaami Karin, Waxaan leeyahay Xisbiyada Mucaaridka ah waa in aad kala saartaan hamigiina siyaasadeed iyo jiritaanka Qaranimada Somaliland, Hamigaagu waa gaar ee habigaau yanuu noqon mid ka soo hor jeeda Somaliland  .

Waxaan La hadlayaa Xisbiyada mucaairdka ah waliba waxan si gaara ula hadlayaa gudoomiyaha Xisbiga Wadani waxaan leeyahay maanta waxad diidantahay mudo kordhin adigaba waa luguu kordhiyay ee Ta xukuumadu maxaa dheertahay ta luguugu kordhiyay .

Gabagabdi waxa halkasi ka hadlay Isna Cabdirashiid Maxamed Aadan Waxanu Yidhi “ kolay xataa marka laga hadlaayo xaga diinta aminga iyo iimaanka waxa la horeysiiyay Amina anagu waxaanu leenahay waar aan ilaalino Amniga Dalka Ja Jira Taas Ayaa Ina Anfacaysa Somaliland waxa ay qayrked ku dhaafatay waa amaanka ka jira mucaairdkow dalka ka daaqa khalkhalka ayaanu idin leenahay .