Xisbiga Kulmiye’ Barqabo’ Miciyaha Wada’ Liisanaya’ IYaa La Kala Horjooga

0
Hadaba xalku muxuu noqonaya kow inuu madaxweynahu qaraar go’aan taariikhi ah gaadho oo deg-deg ah bad-baadiinta sumcadiisa taariikh

Musharaxiinti Xisbul Xaakiimka ee Kulmiye oo runti wada ah rag miisan culus aqoonyahano heer-sare  iyo halgamayaal qaran intaba waxaa ka muuqda ismari waa tansuul la’aan iyo hoggaankii guud ee Xisbiga Kulmiye talada.

Isla markaasna ah madaxweynahii qaranka oo taladiisi aqoontiisa siyaasadiisi iyo go’aankiisi aanay muuqan soona

bidhamayn halkaas waxaa kasoo fool leh in hawsha Xibigu qaranka ee taladu dib ugu noqoto beelahii iyo garnaq odeyaal dhaqmeed sidaasna doorasho ku qabsoomi weydo wa ayaan darro Xukuumad tayo leh siyaasiin aqoonyahano baxaad weyn xambaarsan wax muuqdna oo la taban karo qabtay inaay geesga isla gaasho riix-riixdo halkaas tacabkoodii wax qabadkoodii kalsoonidii shacabweynaha guud iyo taageerayaashii Xisbiga iyo Xukuumadu ku

lunto wana dhacdooyiin calaamka oo dhan ka dhacay Xukuumaddo badan oo fiir-fiircoon ku dhaceen sabaabto ah waxaa ku badtay barqabo wada dhibii liisanaya taageero beelo (Constituency) miisan culus hanti aqoon intaba adeegsanya.Hadaba xalku muxuu noqonaya kow inuu madaxweynahu qaraar go’aan taariikhi ah gaadho oo deg-deg ah bad-baadiinta sumcadiisa taariikh reebid leh ta qaranka iyo Xisbigiisaba inshaallahu guul iyo is fahan baynu Xisbiga Kulmiye Xukuumadiisa iyo qarankeenaba u rajaynaynaa si asxaabta kalena ugu daydaan kala fogaanta khilaafka Xisbiyadu dalkeena iyo dadkeena dan uma ahaa qofna aynu ku farxin waxyeello dib dhac qabyalaad soo noolata inoogu filan.