Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Oo Beenisay In Ciidan La Dagaalama Xuutiyiinta Yaman Ay qorayaan.

0

Hargaysa(BGN)Wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Dibada somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) ayaa beeniyay in Xukuumada Somaliland Gobolada Dalka laga qorayo Ciidan la Dagaalama Xuutiyiinta Yaman oo Sacuudigu Dabada Kawado.

waxa uu sheegay inaanu warkaasi jirin,Muhiimna Tahay in Axsaabta mucaaradku iska Hubiyaan warka Beenta Ah ee Ay baahinayaan,una Tudhaan dhagaha Shacabka somaliland,isaga oo faray talooyin Wax ku ool Ah.

Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) ayaa cadeeyay in warkaasi Ay baahiyeen dad Aan waxba ka ogayn Xaalka dalka,shacabkana ku Jah wareeriyeen sida uu tilmaamay Wararka Xaqiiqada ka Dheer waxaana uu yidhi.

“Hadaanu nahay Wasaarada Arimaha Dibada iyo Xukuumada Somalilandba waxaanu idiin sheegaynaa inaanay waxba ka jirin halkana ka cadaynaynaa waxa ciidan Ah

oo la qoray oo sacuudiga lagaynayo Ama dagaal kale lagaynayo waxba Kama Jiraan,Arinkaasina waxaan u Arkaa Mid Ay baahiyeen Dad Aan xaalka waxba ka ogayn.

Intaas waxa uu raaciyay wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada Somaliland.”Nimanka Caadaystay niman odhan maayo masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka waliba wada odhan maayo ee qaarkood waxa ay soo cel-celiyaan in Ciidamo laga qorayo somaliland kuwaas oo lagaynayo sacuudiga shacabka somaliland waxaan leeyahay waxaasi waxba kama jiraan waa been Qaawan.

waxa uu cadeeyay inuu warkaasi yahay Mid Aan sal iyo Raad Toona Lahayn Ciidan Lagaynayaana Aanay jirin Dalka Sacuudiga isaga oo shacabka Somaliland Fariin u diray waxaana uu yidhi.

“shacabka waxaan u cadaynayaa inaanay waxba ka jirin oo warkaasi yahay been cad,masuuliyiinta Mucaaradka waxaan fari lahaa in ay ka waan toobaan waxaan jirin ee ay dalka ka fidinayaan Dalka somaliland.

Masuuliyiinta Mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in Ay Xukuumadu U qorayso Dalka Sacuudiga Ciidamo la Dagaalama Xuutiyiinta oo Laga qoraya Somaliland iyo Somaliya,Balse Arintaas waxa been ku sheegay Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada somaliland waxaana Laga Dhul Sugi Doonaa Halka ay ku danbayso