Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Oo Xaflad Daah Fur Ah U Sameeyey Wargeys La Magac Baxay WADAAG + ( Sawiro)

0

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Ayaa Habeenkii Xalay Aheyd Xaflad Daah Fur Ah U Sameeyey Wargeys Cusub Oo Ka Hadli Doona Afka Xisbigaai Lana Magac Baxay (WADAAG).

Xaflada Daah Furka Wargeyska Ayaa Waxaa Ay Ka Dhacdey  Hotel Maansoor Ee Magaalada Hargeysa Waxaana Ka Soo Qeyb Galay Masuulyiin Kala Duwan Oo Ugu Horeeyo Gudoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro  , Saraakiil Sar Sare Oo Ka Tirsan Xisbigaasi , Haween , Dhalinyaro  , Aqoon  Yahan Iyo Masuulyiin Kale

Waxaana Ugu Horyn Xafladan Oo Aheyd

Mid Aad Loo So Agaasimay Ka Hadley Xoghayaha Xisbigaasi Muj. Boobe Yuusuf Ducaale  Waxaana Uu Yidhi “Wargeyskan (WADAAG) Ayaa La Yidhaahdaa  Anaga Ayaa Magaca U Bixiney  Hawl Aan Anigu Qabtey Ma Aha Ka Mid Baan Ahaa Dadkii Magaca Bixiyey  Hawsha Xisbiga Ayaa Qabtey Dad Aan Xisbiga Aan Aheyn Baa Qabtey  Hawl Balaadhan Oo Layskugu Tagey Ayey Aheyd .

Gudoomiyaha Iyo Hogaanka In Badan Baanu Ka Sheekeysanay  Wadaag Kamaanu Sheekeysan Ee Hawlo Kale Ayaanu Ka Sheekeysanay  Anaguna Waax Ahaan In Badan Ayaanu Ka Hadalney Waxii Aanu Qaban Laheyn  Diyaarintii Iyo Hawsheedi Oo Dhana Xisbiga Wax Lacag Ah Oo Kaga Baxay Ma Jiro Lakiin Saacado  Iyo Tamar Baa Galay “ Ayuu Yidhi Muj.Boobe Yuusuf Ducaale Xoghayha Warfaafinta Ee Xisbigaasi .

Sidoo Kale Waxaa Iyaguna Madashaasi Hadlo Kooban Ka Yidhi  Marwo Faadumo Siciid , Gudoomiyaha Xisbigaasi Ee America , Afhayeenka Quro jooga Ee Xisbigaasi Iyo Masuul Kale Waxaana Ay Dhamaantood Sheegeen In Warsidaha Wadaag Uu Noqon Doono Mid Ay Ku Rayn Doonto Bulshada Rer Soamliland Gaar Ahaana Taageerasha Xisbiga Wadani Ee Daafaha Dunida Kala Jooga  .

Dhinca Kale Waxaa Madashaasi Ka Hadley Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Dalka UK Xussen  Aadan Cade  Waxaana Uu Yidhi “Wargeyskani Waxaa Uu Wax Fiican Ka Tari Doona Qurbo Joogta Xisbiga Wadani Oo Uu Soo Gaadhsiin Doona Fariin Ayna Heli Jirin Markii Hore Waxaana Aan Filayaa In Uu Wax Weyn Ka Tari Doono Siyaasada Xisbiga Ee Arimaha Dibada “ Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Dalka UK Xussen Aadan Cade .

Gabo Gabadii Waxaa Madashaasi Hadlo Kooban Ka Yidhi Soona Af Meeray Xaflada Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Ciro Waxaana Uu Yidhi  “Waxaan U Mahad Naqayaa Dhamaan Dadkii Gacanta Ka Geystay Wargeyskan Oo  Uu Ugu Horeeyo Xoghayha Warfaafinta Ee Xisbiga Wadani Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale Waxaana Aan Ku Amaanayaa Dhabar Adeyga Ay Muujiyeen .

Daabacada Wargeyska Mooyane Wax Kale Oo Qarash Ah Oo Xisbiga Kaga Baxay Ma Jiro Balse Sacaado Badan Iyo Wakhti Badan Ayaa Ku Baxay Waxaana Runtii Ay Noo Tahay Tani Arin Dhiiri Galin U Ah In Fikirka Iyo Reyga Xisbigu Uu Gaadho Dadweynaha “ Ayuu Ku Soo Koobay Hadalkiisii Gudoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro.

– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=160290#sthash.Z2mPdfN6.dpuf