Gobolka Joogi Maayo Nin Wasiir Keenay,Nin Qabiil Ku Yimid,Nin Shaqaysanaya Mooyaane…..Ramaax

0
Hargaysa(BGN)Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) Ayaa ka hadlay 21ka Haay’adood ee ka shaqeeya Gobolka oo 15 ka Mid Ahi qufulo ku xidhan yihiin isaga oo han-jabaad u diray isu-duwayaasha Gobolka Kana Dalbaday in Ay shaqada iskaga Tagaan Haday Shacabka u shaqayn wayeen.

Waxa uu Cadeeyay in Loo bahan yahay cid dadka u shaqaysa,loona Baahan yahay Nin wasiir iyo qabiil lagu keenay Gobolka,isaga oo tilmaamay inuu madaxwaynaha u gudbin doono xaalka gobolka sida uu yahay  baahiya ka taagan ee wasaaradihii ku shaqada lahaa afka ka xidheen.

Geesta kale waxa uu sheegay inuu hada xidhan yahay dhakhtarkii gobolku,Maxkamadii iyo badiba wasaaradihii Gobolka shaqada ugu culus ka hayay,halka qaarna uu soo arkay iyaga oo



qufulo ku xidhan yihiin waxaana uu yidhi.
“21ka Haay’adood ee dawlad ee halkan ka shaqeeyaa 15toban ka mid Ahi waa fadhiid,waxba Anigu idiin Qarani Maayo,way maqlayaan isku duwayaashu,dhakhtarkii Ayaa fadhiya,Maxkamadii Ayaa Xun,waxa Fadhiya Hawlo Badan oo gobolka Laga qaban Lahaa,beerihii Ayaa Xun,Xanaanadii Xoolaha Ayaa Xun Hawlahaasi Maanta waxa badan ayaa Naga dagay.

intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata Guddoomiyaha Gobolka Awdal waxaana uu yidhi.”wasaarada wasaarada ayaan u galayaa igu walaahiya oon idiin balan qaadayaa,hadii uu wasiirku badali waayo inaan madaxwaynaha kala hadlayo ayaan balan qaadayaa,Marka Dhakharkeedi boorama Xidhan yahay masuuliyiintina joogaan,wasaaradii caafimaadkuna joogto inuu fadhiyo caqli gal Maaha.

Ramaax ayaa gashaanka u daruuray Masuulkii shaqadiisa ka soo bixi waaya inuu gobolka dhaafi doono shaqa danbena aanu ka qaban Doono isaga oo wac ku maray waxaana uu wasiirada Ay hoos tagaan sheegay inuu gaadhsiin doono.

“Hadii aanu qofku gudanayay xilka uu umada u hayo,ha u baneeyo mid u qaban doona ayaanu keeniye,wasiir kastow maqal,masuul kasto maqal oo hargaysa jooga,masuul kasta oo qabiil ku shaqaynayow maqal,waa inuu gobolkani ka baxaa meelaha fadhiidka Ah,qofkasta oo masuul Ahina waa inuu gutaa Shaqadiisa,hadaanu gudanaynin hasoo codsado ruqsadiisa cid umada u biixisa ayaanu ugu dhiibiye.

Dhawaaqa Ka soo yeedhay Badhasaabka Gobolka Awdal ayaa shacabka Gobolkaasi oo la ildaranaa Cid u shaqaysa rajo wacan galiyay Hadii uu ka dhabeeyo Badhasaabku kana shaqaysiiyo Xafiisyada uu ka La laado Qufulku.

Han-jabaad Badhasaabka Ayaa ku soo beegmaysa Xili Ay albaabadu u laaban yihiin Dhakharkii waynaa waxaana uu u soo jeediyay Masuuliyiinta wasaaradaha u qaabilsan Gobolka in ay shaqeeyaan isaga oo wasiirada iyo Cid lagu keenay Qabiilkaba U diray Baaq ku wajahan.