Tamardarada Xusbiga Wadani Iyo Jilicsanaanta Hogaankooda Oo Markay Kasban Kariwaayeen

0

TAMARDARADA  XUSBIGA WADANI IYO JILICSANAANTA HOGAANKOODA
OO MARKAY KASBAN KARIWAAYEEN SHACABKA REER SOMALILAND ,ARIN
KOODU KUSOO URURAY CAY IYO AFLAGAADO.

GUDOOMIYAHA XUSBIGA KULMIYE EE DALKA HOLLAND
XASAN SULEIMAN YUSUF [XASAN CADE]

Marka ugu horaysa guud ahaan waxaan shacabka reer somaliland meel ay kala
Joogaanba leeyahay ASC.WR.WB. ku ciida ciidu dayiba.
Waxaan si gaara u sii salaamayaa madaxweynaha dalkeena mudane Mahamed Axmed
iyo xaskiisa. sidoo kale waxaan salaamaya Gudoomiyaha xusbul xaakinka mr muse bixi
iyo dhamaan taageerayaassha xusbiga.
anigoo leh farxada iyo nabadgelyada iyo barwaaqada noqda ku illaahay usii siyaadiyo
Dedaalka aad wadadaana noqoy kii midhahan uu dhalay kuwo kasii badan dhala.
aaaaaaamiiiiin aaaaaaaaaaaaamiiiin.

Mahad waxaa iska leh guud ahaan

iyo gaar ahaanba ALLAHA WEYN EE WAAXIDKA AH.

Mudanayaal iyo Marwooyin
Ama Aqrista yaal
Dhamaanmtiin kuwa aanu ku midaysan nahay midnimada iyo jiritaanka JSL ku ciida
Ciid wanaagsan.

Marka aan in yar iba furno sheekadeena nuxurkeeda oo ku saabsan tamardarada iyo
Hogaamin jilicsanaanta xusbiga aynu walalaha nahay ama dhigeena ah ee WADANI
Had iyo jeer waa wax iska caadi ah inay xusbiayada ku tartamaan soo jiidashada shacabkooda
Wana u jeeddada keliya ee looga dhigay laba iyo wixii ka badan XUSBIYADA sidoo kaleWaa
Ku dhaqanka himilada iyo dimuqraatinimada oo ay caado u tahay in si toos ah oo xor ah ay xusbiyadu
Ugusoo bandhigaaan fishinkooda iyo mawqifkooda mustaqbal ee ay dalkan iyo shacabkiisa u qaban
Doonaan taariikhda soo cota iyo tan markaa joogtaba.

Sidoo kalena waxaa xusideeda aan marnaba lahalmaami karin markii uu xusbiga kulmiye uu taagnaa
Barta maanta uu taagan yahay xusbiga WADANI AMA UCIDBA aan nidhaahnee waxaan soo bandhignay
Waxaanu shacabkan iyo dalkan u qaban doono haddii aan ku guulaysano taasina waxay
Ahayd weaxa keliya ee ay shacbka reer somaliland naga doorteen xusbiyadii kale ee markaas iayada ah
nala tartamayey, maantana waa wax cad waxaanu mustaqbalka soo socda umaddan iyo dalkan
Waxaan u qaban doonaa waa mid diyara ah oo ay shacbku nala wadaagi doonaan.

Hadaba aan usoo noqono xusbiga WADANI ee tamarta daran welina aan shacabkooda usoo bandhigin
borigaraamkooda iyo wax qabadkooda mustaqbal midna.

Oo aad arkayso markii wixii shacabkani u idmaday inay kasoo bixi kari waayeen aqoona aanay u lahayn
Habka iyo hogaaminta xusbi qarameed tasoo aan dareemi karno in jileec badani ka jiro xusbiga
Gudihiisa oo aad moodo inaanay xaga aqoonta waxba isku biirin karin,
taana waxaa marqati cad u ah shiqsiga ama guroobku markay qaban kariwaayaan wixii iyo laga
Sugayey waxay ka doorbidaan si loola qasto oo ay meesha dhooqo uga dhigaan way caytamaan had
iyo jeerna waynu aragnaa taasina waa waxa keliya ee uu xusbiaga Wadani caanka ku yahay.

marar badan waxaynu la soconaa inay ku andacoodaan in doorashadu waqtigeedii ku qabsoonto
dhan markaad ka eegto waa sax in doorashudu had iyo jeer waqtigeeda aanay dhaafin.

Laakiin baa meesha taala .
haddi ay dhab ka tahay oo ay run sheegayaan gudoomiyohoodu waa kii sharcigaba dejinayey
Oo dhanka kalena ka ah Gudoomiyihii golaha guurtida.

Isweydiinta iyo laakiintu waxay tahay markii xeerarka iyo ansixinta doorashooyinka loo soo gudbiyey
sowtuu ahaa kii in tuu cidla lategey sharcigii goluhu ansixiyey fadhataystay mudona ku rafanayey.

markaas ma waxaan o dhankarnaa kasaa diyar u ah doorasho?JAWAABTU waa maya.

dhanka kale bal aan ka eegno cayda ka sokoow wax kasta oo dalkan loo qabtay way dafireen
marqaatina waa ka tihiin iskadaa wax kale oo waxay dafireen in ciidamada derejo la siiyey.

markaas waxaad moodaa arinkooda dhami inuu saldhig u yahay caruurtii la yidhi hooyadood ma haasaawiyaan
Cidkale oo haasaawisana uma ogola, dhanka kale bal u fiirso hoosna ugu dhaadhac waxaa si cad
Kuugu muuqanaysa inaan hankooduba gaadhssiisanayn inay madaxweyne dalkan ka noqdaan waana kuwo
layaaban booskan ay soo gaadheen runtii.
xaga kale aan ka eegno markaad xusbi tahay hogaamiyihiisa qof kasta oo arin dhaqdhaqaaq u haya xusbiga
ama xitaa taageere xusbiga aan gaadhsiino ta ugu muhiimsani waa inaan u baahanahay dhamaan
shacabka oo dhan waana mid haboon inaan guud ahaan shacabkaas sabaatiig iyo soo dhoweyn ka diyaarsanaa
lakiin xusbiga WADANI waxaad arkaysaa inuu isagu taa ka duwan yahay taas oo aad arkayso
inay cid gara ama guroob ama beel keliya inay ku wajahantahay arinkoodu waana wax lala yaabo runtii.

dhanka kalena aan yar dawano ololayntoodaa waxaa ku badan waa la dagaalamayaa waxbaa \
Qarxaya guryahaa laysugu daadanayaa illaahbaan idinku dhaarshee ma waxaas baa hogaamin ah
ama shacab lagu kasban karaa?

Anigu sidaan arko iyo fekerkayga
Waxaan ka aamin san ahay xusbigaas dhigayaga ah sharciyana xusbi qaran ah oo ay shacabku soo
Saareen, waxaan u arkaa inaanay waxba iska hagranayn ama wax xumeeyaba is lahayn ee keliya
Waxa xusbiga haystaa tahay aqoondaro iyo waayo aragtinimo la,aan aad ugu weyn oo ugu baahsan.

taas waxaa u racda jilicsanan kaga imanay xaga hogaamiyaashooda sar sare oo ku kow ka yahay
gudoomiyohooda mr abdirahman oo ah nin aad u jilicsan.
Iyadoo ku Xigeenkiisuna yahaymid aad moodo inuu yar waashay ama qof aan beeys aqoomeed ba lahayn
isku soo wada duub oo hogaaminta dal ama xus bi iwm waxay u baahan yihiin isu dheelitiris mid
aqoomeed iyo mid waayo aragnimobal.

Taasna wuu ka madhan yahay xus biga WADANI
Caanuhu haddii ayu baqaan waxaan u malaynayaa inanay isticmaal danbe lahayn qubis mooyaane
ujeeddaydu maaha inaan cid gaara nebcahay iyo wixii lamid ah laakiin waxaan ka hadlayaa
waaqiga dhabta ah ee jira sidaa awgee cidina yaanay DACAR KU KICI QORAALKAYGU haddiiseba
Ay wax kugu Kacaan bilaahi caleeg cafis baan kaa dalbay. aniga iga tihiin.

Ujeeddadeena iyo hadafkeenu waa mid ku wajahan sidii dalkani kugaadhilahaa horumar dhab ah
Oo la taaban karo IWM. iyo cidii gaadhsiin lahay yoolkaas isaga ah.
Wabilaahi tawfiiq somaliland guul iyo gobanimo waarta.

xafiiska xusbiga kulmiye fadhigiisa dalka holland