Boqor salmaanka da;lka suciidiga oo Kooto loo xidhay Goob dalxiis oo Ku taal dalka farsiiska,Muranna Dhlisay

0
Boqrka iyo dadkaasi waxay xeebtaasi Faransiiska ku taala tagayaan dhamaadka todobaadkan, bulshadana waxaa laga mamnuucay

Dalka Faransiiska Muran ayaa ka dhashay xeeb dalxiis oo bulshadu isticmaali jirtay oo la xiray, si loogu ogolaado boqorka Sacuudiga boqor Salmaan in uu si khaas ah ugu dalxiiso halkaasi.

Masuuliyiinta deegaanka Vallauris ayaa xaqiijiyay in ay sameeyeen xayndaab ku dhereran xeebta si loo xaqiijiyo ammaanka boqorka iyo afar boqol oo ruux oo kale oo la filayo in ay sooraacaan.

Boqrka iyo dadkaasi waxay xeebtaasi Faransiiska ku taala tagayaan dhamaadka todobaadkan, bulshadana waxaa laga mamnuucay in ay badda tagaan inta uu boqorku joogo.

Dadkii xeebta isticmaali jiray ayaa caro ka muujiyay arrintaasi, waxa ay ka cabanayaan in aan lala tashanin.

Waxaa kale oo ay ka caroodoon dadkaasi in dawladdu ay

dhistay wiishka dhismayasha dhaadheer loo raaco kaas oo isku xiraya goobta uu boqorku dagayo ilaa iyo xeebta, laakiin Sacuudigu waxa ay balanqaadeen in meesha ka burburindoonaan marka dalxiiska dhamaystaan.