Madaxwayne Siilaanyo Oo Magacaabay Gudi Qaban Qaabindoonta Aas Qaran Oo Marxuum Fu’aad Aadan Loo Samaynayo.

0
Hargaysa(Biyo guure News.com) Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa manta magacaabay gudi heer qaran ah oo qaban qaabin doonta aasqaran oo loo samayn doono Marxuum Fu’aad Aadan Cade oo maalintii shalay ahayd ku geeriyooday dalka Turkiga.Sidaasna waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soobaxay madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexanyahay af-hayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan,war-saxaafadeedkaasi oo nuqul kamidi soo gaadhay Hadhwanaagnewsna waxa uu uqornaa sidan:-

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay  JSL/M/MG/0833430/072015 ku magacaabay Gudi heer qaran oo qaban qaabin doonta Aaska Marxuum Fuaad aadan cade.

 

Digreetada Madaxweynaha:-

 

Ku:      Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada         Guddoomiye

 

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta                          Xubin     

 

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta                                    Xubin

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Warshadaha                                      Xubin

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada      


 Xubin
Ku:      Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye              Xubin

Ku:      Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, ahna                                 

Ku-simaha Maayarka Hargeysa                                           Xubin

Ku:      Mudane, Cabdirashiid Ducaale Qambi                                Xubin                 

 

 

Ujeeddo:          Magacaabid Guddida Aaska Marxuum Fu’aad Aadan Cadde

 

Mudanayaal,

 

Sida aad ka war-haysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Aadan Cadde.

 

Sidaas darteed Mudanayaal, waxaan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda aaska Marxuum Fu’aad Aadan Cadde, waxaana guddoomiye idiin noqon doonna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada.

 

Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuumka.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.