Xasan Sheekhoow Haddaad Ninamkii Yuusuf Dirir Dilay Caddaalada Keeni Waydo Sida Loo Aarsado Waanu Naqaanaa.” Salaadiinta iyo Waxgaradka Habaryoonis

0

Salaadiinta Cuqaasha iyo waxgaradka beesha  uu ka soo jeeday Marxuum Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi oo Dalwadda Maqdisho shirqool ku dishay  ayaa sheegay in dilka Yuusuf cadyahay Madaxweynaha Soomaaliya oo u soo diray ciidankiisii gaarka ahaa isla markaana shirqool uu soo maleegay MadaxweynAHA Soomaaliya lagu dilay marxuukma.

 

Waxaanay madaxdhaqameedkani intaa ku dareen  haddi Madaxwaynaha Soomaaliya sharciga soo taagiwaayo nimakii dilkaa qorshaysan gaystay oo maxkamad la soo taagi waayo in ay gacantooda ku aarsan doonaan isla markaana cidda u dhimamaysaa ay tahay Madaxweynaha iyo

inta ku xeeran.DSC00170

Ugu horrayn Xasan Dirir Cabdi oo  goobta ka hadlay ayaa hadlkiisa ku bilaabay.”Muu ahayn nin ay baarlamaankaas u gaysay hunguri iyo musharo mu ahayn waxa uu ahaa nin u galay halgankaas uu mudada  dheer soo galay ee soomaali nimadda ah doonaayay inuu ka biyo dhiiyo ayuu ahaa, Baarla maanka Somaaliyana wax aan leeyahay waar nin dhirbaaxo quudheed qarsaday dhaqayadeed maalye Caruurtaaday dhaxal u tahay xaajadaad dhabarka saartaaye”

 

Suldaan  Rashiid  Suldaan Cali Ducaale ayaa caddeeyay in aanay ka samrayn dilka Yuusuf Dirir cidday ay u haystaanna ay tahay Madaxweynaha Soomaaliya oo askartiisii dishay shirqoolla ku dileen isla markaana laga doonayo Xasan  Sheekh haddii uu wanaag doonayo in uu Maxkamd soo taago dhagar qabayaashii dilkaa gaystay  haddi taasi ay dhici waydana ay toos u aarsan doonaan.” Maanta waxaa cadaatay isagoo wali hanka ku jira oo Soomaali nimo doonaya ,Darajona uuma doonan soomali nimdaas uu waligii ku halgamaayay ee carabka uu ku hayay uun ba  gaysay laakiin nasiib daradu wax ay tahay naftu way dhimanaysa wakhtigeeda ayana dhimanaysa  laakiin wax weeye halgamaa ga wayan ee yuusuf Cabadi dirir (Ilaahay ) Muxuu sabab uuga soo dhigay, Sabab wax uu uuga soo dhigay Isagoo soomaali nimo u tagay Xamar In dawladii halkaas ka dhisn ee Soomaalida Xamar ama madaxwaynaha Xamar Uu Madaxda ka yahay  Shir qool ay soo dhigtay oo gurigiisa ah oo qoriga lagu dilay meesha laga soo qaaday gaadhiga dhibaatadda gaystay ee isaga iyo cidii la socotayba dilay ee ciidamadd isku sheegayay maalintaas ilaa maanta ay dilista gaysteen halka ay ku xeroodaan wax ay noqotay madaxtooyada markii danbana meesha ay aritnu fadhiisatay waa madaxtooyada muqdisho, Madaxtooyada Muqdisho wax weeye ilaahay soomaalida waxaba uuma kala qarin Soomaalidu wax ay isu dhiibta waa war waxa ay ku sheekaysata waa war, Warka Xogo gaalka ah ee aanu haynaa waxa weeye anagu cid kale oo aanu u daba fadhinaa ma jirto waa cadaynayna, Markhaatigii waanu haynaa, arimo goob jooga ayaanu haynaa, cidii ku furaysay baanu haynaa, Madaxtooyada Soomaaliya ee Nin ka Xasan Sheekh Maxamud, La yidhaahdaa Madaxwayanaha ka yahay iyo ehelkiisa ayay aintii fadhidaa, Nin kii Soomali nimo Donayay ee Xamar u socdayow ku quuso Yuusuf Dirir,Ninkii Waayelka ahaa ee Xasan Sheekh Maalintii Ladooranayay U Yeedhinayay ayuu ahaa ee Baarlamaanka Soomaalida uugu Wayna Uuguna Aqoonta Badnaa,uguna waayo aragsanaa hadii uu shirqool yar u ku go’ayna wax weeye Soomaaliida Loo Gacan haadinayay ku quuso, Hadii kalena Wadkaaga u Yeedho.

 

Suldaan Cali Yuusuf  ayaa isna ku adkeeyay Madaxwaynaha Soomaaliya in uu caddaada hor keeno wiilasha mooryaanta ah ee adeerka u yahay ee uu u  adeegsaday dilkii xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi. “Arinkaas horena waan uga hadalay mar labaadna waanu ka hadalayna Waxaan Leeyahay Madsaxwayna Soomaaliya Arinkaasi adiga ayuu ku dulyaala Sidii aad Ceebtaas isaga meeydhilahayd aday ku taala Taariikh madaw ayaad galaysa,Hindishii aad lahayad Soomaali ayaan isu keenayaana Isu maad keenin ee waad kala rartay waxaanu leenay dadka reer waqooyiga ah ee Xamar musharooyinkaku qaata taas Yuusuf Dirir ayaa idin huran fariinta aanu idinleenahayna waa meeshaas iskaga soo baxa,Laba ha qaadan arin tii hore wax ay ahayad dilka oo ka soo fulay madaxtooyadda iyo tii labaad oo aad gacan ku dhiiglihii jeelka ka sii daysay”

 

DSC00158Caaqil Cabdi Af Yare ayaa isna hadalka odayaasha hore ku daray “ Xildhibaan Yuusuf Dirir iyo inan kii uu adeerka u ahaa oo lagu dilay magaaladda xamr la yidhaahdo oo aanu ognahay cida dishay reer nimo iyo dawladnimoba cIda dishay cida ay yihiin reer nimana aanu u garanayno Madaxtooyadana aanu u garanayno oo nin kaas  Xasan Sheekh Maxamud geeridu gurigiisa ayay ahayd”

 

Dhinaca kale waxaan wax ka waydiinay Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo ay Marxuumka Walaalo ahaayeen siduu u arko go,aanka salaadiintiisa iyo wuxuu ka odhanayo,ayaa ku jawaabay.  “Horta go,aankaa odayaashu waa sidaas waanan ku raacsanahay qoys ahaan intaa waxa kaliya ee aan raacinayaana waxay tahay dilka Yuusuf Dirir Cabdi wuxuu ahaa shirqool  uu geystay Madaxweynaha Soomaaliya markii dilka ay geysteenna waxay nimankaasi ku noqdeen Madaxtoooyada markii Baarlamaanka Soomaaliya kiiska ku caddeeyayna waa la soo xidhay,hadana Baarlamaankii markii uu fasaxa galay waxaa dib usoo daayay oo Madaxtooyada ku celiyay nimankii habada waxaanu leenahay dilkaa haddaan nimankii geystay caddaalada la hor keenin kama samrayno cidda aanu u raacaynaana nagama qarsoona ee waanu garanaynaa wanay noo caddahay oo waa Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xasan Sheekh Maxamuud.”