Hargeysa(Biyo Guure News.com) Dad Qaadka Looga Ducaynayey Bisha Ramadaan Oo Iska Daayey Ayaa Kulan Loogu Qabtay Masaajidka Cali Mataan Ee Badhtamaha Hargeysa+Sawiro

0
Sheekh Maxamed Aadan Muxumed Iimaamka masaajidka Cali Mataan iyo Sheekh Maxamed Cali Gadhle ayaa maalintii shalay kulan is xog waraysi iyo is barasho ah masaajida Cali mataan

Hargeysa(HWN):-Mudadii lagu guda jiro  bisha barakaysan ee Ramadaan waxa masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha magaalada Hargeysa ka socda casharo kala, iyada oo sheekh Maxamed Cali Gadhle uu maalin kasta salaada Duhur ka dib kaga jawaabo su,aalo la soo waydiiyo.

Sheekh Maxamed Cali Gadhle ayaa ka jawaabista su,aalaha la soo waydiiyey garab waday duco uu u ducayeeyo dadka jaadka cuna in ilaahay ka daweeyo, waxaana maalin kasta jamaca masaajidka cali Mataan salaadaha ku tukadaa ay kala qayb galaan sheekha ducada uu u jeedinayo dadkaasi.

Sheekh Maxamed Aadan Muxumed Iimaamka masaajidka Cali Mataan  iyo Sheekh Maxamed Cali



Gadhle ayaa maalintii shalay kulan is xog waraysi iyo is barasho ah masaajida Cali mataan kula qaatay dad iyagu qaadkii iska daayey mudadii looga ducaynayey, isla markaana ilaahay ducadii u aqbalay.
Sheekh maxamed Cali  Gadhle oo ugu horayn ka hadlay kulankan ayaa ka hadlay ayaa ka waramay sidii uu ku bilaabmay ololaha dadka lagaga wacyi gelinayo joojinta cunida qaadka waxaanu yidhi “Waxa dadkaas nuurayaa ay yihiin dad soo ajiibay oo ilaahay waafajiyey olole aanu ramadaantii ka bilawnay Masaajidka Cali Mataan taas oo aanu kula dagaalamaynay dhibaatada inagu habsatay ee qaadka, taas oo nolosheenii meel kasta oo ay tahayba saamaysay, waxaanay ku timid mudo haatan laga joogo todoba sanadood waxaan masaajidka Cali Mataan salaada duhur ka dib ku leeyahay  Kalmed yar waxaana ilaahay I waafajiyey oo maskaxdayda ku soo dhacday dhibaatada qaadka oo ina haysata oo mudo dheer hadalkeeda iyo sidii umada looga joojin lahaa aan waday, waxaan is idhi maadama oo bil ramadaan tahay oo shaydaankii la xidhay albaabadii khayrka oo dhamina furan yihiin, iyada oo dadkuna sooman yihiin oo qaadkii ka xidhan yihiin oo laga yaabo in badani inay marka ay afuraan  ay ku afuraan qaadka, waxaanan is nidhi waxa haboon inaad xasuusisaan  oo aad tidhaahdaan maadama oo aad mudada intaas leeg ka xidhnaydeen aafadaas oo aydaan waxba u noqon waa halkaas oo aad uga sii dhawaataan.”

Sidoo kale Sheekh Maxamed Cali Gadhle oo hadalkiisa sii wata  ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in layska kaashado wax ka qabashada dhibaatada uu qaadku ku hayo dadka waxaanu mar kale yidhi “Maadaama oo dhib badan uu ku hayo dadka in hadana dadka laftooda inta laga dhex kiciyo jamaca dhexdiisa ducadana lagu taageero oo niyadaas wanaagsan ee ay la yimaadeen duco loogu daro, waxaanan isku dayeynaa inaanu dadka baraarujino ducadana ugu daro jaamacuna Aaamiin haw yidhaahdo niyadas wanaagsan ee ay la yimaadeen inuu ilaahay ku taageero, sidii ay ramadaan u bilatay waxaanu lahayn yaanu uga ducaynaa, waxaana timid  inaanu la kulano oo intaas layskaga soo dhawaado  oo wixii ay fikrad hayaan la waydiiyo sidii looga hor tagi lahaa dhibaatadaas ina haysata.”

Iimaamka masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha magaalada Hargeysa  oo isaguna ka hadlay kulankan ayaa   “Dad sharaf leh ayaad tihiin dad qiimo leh ayaad tihiin, waxaad tihiin dad duco qaatay oo duco ramadaan qaatay ayaad tihiin, Jamaca afar dabaq oo masaajidka ku tukanayaa dad ay Aamiin u yidhaahdeen ayaad tihiin, waxaanad dareensanatan inaad haysataan shahaado sharaftii ugu qiimaha badnayd,  ilaahay ayaa idinla doonay inaad qaadka in badan soo cuntaan oo uu idiinku soo beegmay bishaas ramadaan inaad duco ku heshaan in ilaahay idinkaga joojiyo cunida qaadka.”ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan Muxumed.

Sidoo kale waxa kulankan ka hadlay qaar ka mid ah dadka qaadka iska daayey kuwaas oo ka waramay qisooyin cajiib ah oo la xidhiidha ficilada ay ku kacaan dadka qayilaa.

 

– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=159938#sthash.JFpTljxg.dpuf