Somaliland waxay garan la’dahay sidii ay hawadeeda uga xidhi lahayd , diyaaradaha aan cashuurta hawadeed ka bixin ?

0

WASIIRKA AAN GARANAYN SIDII UU HAWADA DAKIISA UGA XIDHI LAHAA DIYAARADAHA AAN CASHUURTA BIXIN OO DOONAAYA IN UU NOQDO GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE , DOONAAYANA IN UU MADAXWEYNE ISU SHARAXO ( BAL NASIIB DARADAN HAYSATA DALKA SOMALILAND IYO DADKIISABA EEG )Wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada oo ilaa iminka aan garanayn sidii uu xal ugu heli lahaa , diyaaradaha dul mara dalka Somaliland iyaga oo aan wax cashuur ah bixin , wasiirka arintaa qudha ku guul daraystay oo iminka doonaaya in uu noqdo gudoomiyaha xisbiga kulmiye , ee jagada madaxweyne nimo isu soo sharixi doona , oo la doonaayo in uu buuxiyo jagadii madaxweyne Axmed Siilaanyo .

Hadaba ninka guul darada ka keenay wasaarad qudha , sideebuu u noqon karaa hogaamiye ama isugu sharixi karaa madaxweyne ?
Waxa jirta in ay Somaliland ku guul daraysatay wada hadaladii ay la gashay somaliya , dhinac kasta oo ay ku tahay , haw guna waynaato dhinaca hawada oo wax heshiis ah laga wada gaadhi waayay .
Wasiirkani waxa uu garan la’yahay sidii uu ra’yi ama talo ama xal uu ugu keeni lahaa dalka Somaliland oo ku aaddan dhinaca hawada ?
Wasiirkani waxa uu garan la’yahay sidii uu hawada dalka Somaliland uga xidhi lahaa diyaaradaha iskaga dul mara dalka Somaliland iyaga oo aan wax cashuur ah bixin ?
Wasiirkani waxa uu garan la’yahay sidii uu u sugi lahaa , xuduudihii dalku lahaa iyo wasaaraddii uu u xil saarnaa ?
Hadaba ma dalka sugi kari waayay xuduudihii iyo hawdiisii uu dalkiisu lahaa , ayaa ictiraac ka helaaya beesha caalamka ? ,
Haddii ciidan cirka ah oo dal kale leeyahay uu dalka Somaliland soo weeraro , maxay Somaliland yeeli lahayd ?
siday isaga difaaci lahayd ?
Wasiirkan oo ay shaqadiisa qudhi tahay sidii uu lacag dalka uga urursan lahaa , guryo iyo xabaalona uga iibsan lahaa magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska .
Hadaba way adag tahay in ay Somaliland ictiraaf ka hesho beesha caalamka iyada oo aan garanayn sidii ay xuduudaheeda iyo hawadeeda u sugi lahayd .
Ma jiro dal baryaya in cashuur laga siiyo xuduudihiisii uu xaqa u lahaa ?
Ma jiro dal diyaaradaha aduunka ay iska dul maraan iyaga oo aan wax cashuur ah bixin , oo hadana ka baryaaya kuwii hawadiisa maraayay in ay cashuur ka bixiyaan ?
Hadaba maxay Somaliland cashuurta hawada dalkeeda u sugi kari wayday ? saw garaad darro maaha ? iyo garaad xumada hogaanka dalka .
Hadaba sidee baad dal madax banaan ku noqon karaysaa kol haddii aanad sugi karaynin hawadaada iyo xuduudaha dalkaaga ?
Waxay ahayd in hawada iyo xuduudaha dalka laga kireeyo shirkado ajinabiya oo xuduudaha iyo hawada dalka ilaaliya . kol haddii aanay lahayn xukuumadda Somaliland ciidan cirka ah oo u ilaaliya hawada iyo xuduudaha dalkeeda b .
Hadaba waxa weeye in xukuumadda Axmed Siilaanyo xidho hawada iyo xuduudaha dalka Somaliland , marka laga bilaabo 26/07/2015 -ka , oo wixii soo gala hawada dalka Somaliland soo riddo , beesha caalamkana sidaa u sheegto , in ay hawadii dalka Somaliland xidhan tahay , oo aanay ogolayn cid soo dul marta dalkeeda oo aanay Somaliland ogolaansho siinin .
Beesha caalamku ma ixtiraamto cidda jilicsan iyo weliba cidda baryaysa in la ixtiraamo , oo wixii ay xaqa u lahayd lagu ixtiraamo .
Beesha caalamku waxay kugu ixtiraamaysaa inaad goosan karto waxa aad xaqa u leedahay , difaacan kartona xuduudahaaga iyo hawadaada , haddii kale baryootan cidina isugu kaa soo taagi mayso , waxna lagugu siin maayo .
Hadaba suurto gal ma tahay ninka garan waayay si uu u difaaco dalkiisa iyo hawada dalkiisa in uu u hunguroodo in uu noqdo hogaamiye , ama ku hamiyo in uu isu sharaxo hogaaminta dalka .?