Mucaaradka Waan Uga Garaabaya Doorashada Dib U Dhacday, Laakiin Dawladi Ma Jirto, Wax Macquula Oo Meesha Qabta Maaha..Xildhiban Kijaandhe

0
Hargeysa(Biyo Guure News):- Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye, ayaa jawaab ka bixiyey hadalada ka soo yeedhaya Mucaaradka ee ah in aanay aqoonsan doonin Xukuumaddan marka la gaadho wakhtigii loo dhaariyey Xilka Madaxtinimo Madaxweynaha, waxaanu kula taliyey inay dalka u tudhaan, oo aanay ku hadal hadalada noocaas oo kale ah.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale naqdiyey go’aankii ay Saddedxda Xisbi iyo Xukuumaddu ka soo sareen wakhtiga Doorashada, “Mucaaradka waxa aan odhan lahaa dalka ha loo tudho, Nin walbana waxa uu gashado ayuu ka helayaa, in la yidhaahdo

dawladdi ma jirto arin yar maaha, wax weyna wuu yeelaya qaranimadeena, Mucaaradka waan uga garaabaya Doorashada dib u dhacday, may ahayn inay dib u dhacdo, laakiin mugeena oo aad u yar ayaa dib u riday, markaas waxa aan leeyahay arimo kale oo dhan oo aragtiyo ah ha soo bandhigeen Mucaaradku laakiin dawladi ma jirto, xukuumaddana way dhacaysa, waanu ridayna waxaas wax meesha qabta maaha, waxaana leeyahay qof walba tacabka uu dalka gashaday uu ka helayaa”.Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey mawqifkii Guurtida ee muddo kordhinta iyo heshiiskii Saddexda Xisbi ayaa yidhi “Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan waa laga gardaran yahay, wakhtigii Doorashada uu sameeyey, dadkii ka daba tagay ee yidhi wakhtii kale oo Doorasho oo Siyaasiya ayaanu samaynaynaa, sharci daro ayey ahayd, markaas in Saddexda Xisbi meel kale uga wareegaan ayey ahayd, wakhtiga ay Guurtidu cayintay iyo wakhtigan ay qabsadeen Xisbiyadu wax badani uma dhexeeyo, waxa u dhexeeya waa ilaa Saddex Bilood, Saleebaan Saddexda Xisbi wakhti buu siiyey uu ku yidhi ku soo heshiiya, kumay soo heshiin, markii uu go’aanka soo saaray kadib ayey go’aan khaldan ka soo daba saareen, inay sidaas u fikiraan may ahayn, canaana wey ku leeyihiin runtii,ee waa in dalka loo tudhaa”.

Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey Xukuumadda iyo wixii u qabsoomay shantii Sanno ee ay xilka haysay waxa uu yidhi “Xukuumaddani wax badan oo ay qabatay wey jiraan intii ay dalka xukumaysay wax u dhimana wey jiraan, wax wada dhammaddaana ma jiro ee Xukuumad walba wax bay qabata, dawladnimaduna waa geedi socod.”

Source :- Geeska