Ciidamada Bilayska Oo Gacan Bir Leh Ku Qabtay Kooxo Dhalinyaro Ah Oo Maanta Duhurkii Rabshado Ka Samaysay Xaafada Goljano Ee Hargeysa

0
Ciidamada Bilayska Oo Gacan Bir Leh Ku Qabtay Kooxo Dhalinyaro Ah Oo Maanta Duhurkii Rabshado Ka Samaysay Xaafada Goljano Ee Hargeysa.

Hargeysa(Biyo ews.com) – Ciidamada Bilayska Saldhiga Degmada Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa ayaa maanta duhurnimadii waxa ay hawlgal ku kala badbaadiyeen kooxo dhalinyaro ah oo faashash,Tooriyo iyo qasabado isku soo weeraray kuwaasi oo dirqi ku sigtay inay is qudhgooyaan.

Duqayda,Haweenka iyo dhamaan dadka ku dhaqan Xaafada Goljano ayaa si weyn ugu diirsaday sida ay ciidanka bilayska Saldhiga Ibraahim Koodbuur u kala gaadheen kooxahan dhalinyarada ah oo faashash argagax leh ku hubaysnaa kuwaasi oo ku dhex hirdamayay Gudaha Xaafada Goljano ee Degmada 26 June. Waxa  ay qaar ka mid ah dhalinyaradani ka soo duulimaad tageen Xaafada Xero-Awr ee Degmada Ibraahim Koodbuur,halka kuwa kalena ay ka mid ahaayeen dhalinyarta Goljano,waxaanay rabshadani sida la sheegay ka dhalatay Ciyaar ay



shalay kuwada Ciyaareen Laba Kooxood oo ka soo kala jeeda labada Xaafaadood  ee Xero Awr iyo Goljano.
Inyar uun ka hor intaanay isfaro saarin oo xaafada badidoodu Albaabada hoosta ka xidheen, islamarkaana gaadiidkii guryaha horyaalay lala wada cararay ayaa waxa goobta soo gaadhay ciidamo gaashaaman oo uu hor kacayo Taliyaha Saldhiga Ibraahim Koodbuur Cabdisalaan Diinqale,waxaanay taliyaha iyo ciidankiisu islamarkiiba ku dhex dheceen kooxihii intaanay dhiig daadin,waxaanay ku guulaysteen inay gacan birleh ku qabtaan iyagoo ka daadiyay faashashkii iyo birihii ay siteen kuna xireeyay guryahoodii.

Guud ahaan Shacabka ku dhaqan Xaafada Goljano ayaa amaan aad u culus dusha uga tuuray Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ah hogaan hawlkar ah, islmarkaana hadh iyo habeen u taagan,una soo jeeda ilaalinta Nabadgalyada Dalka ee guud. Xaafada Goljano oo ah xaafad mar walba ay rabshado ay ciyaal sameeyaan ka dhici jireen waxa uu Taliye Fadal intii uu hogaanka iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska hayay ka dhigay Xaafad Nabdoon,waxaanu ku baraarujiyay Ilaalinta Nabadgalyada iyo dhisida Asluubta Ubadkooda. Markasta oo ay rabshado ka dhacaan Xaafadani iyo guud ahaan Magaalada Hargeysa,waxa islamarkiiba soo gaadha Ciidanka bilayska  oo Gacan birleh ku qabta,waxaana Guushaasi loo nisbaynayaa Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan Oo ah masuul ka dhabeeyay Xilka uu umada u hayo iyo ta uu qaranka u hayaba.

Feejignaanta Ciidanku iyo u nuglaanta Dadwaynahu waxa ay ka turjumaysaa Siday Ciidanku ugu heelan yihiin Sidii Ay amaanka Caasimada u Hanan Lahayeen.