Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis Oo La Qorsheeyay Inuu Noqdo Murashaxa Xisbiga Kulmiye

0

Hargeysa(Biyo Guure News.com)-Tashiga iyo rogrogista xal u helida mushkiladda Xisbiga Kulmiye ee taladda dalka haya, ayaa isa soo taraysa, isla markaana waxa soo baxayay maalmahanba bidhaamo la xidhiidha dibu gurasho iyo hor u gurasho dhinaca aragtida madaxtooyada ah, oo saamanaysa ragga ugu cadcad ee loollanka ugu jira hanashada murashaxa madaxweynaha ee xisbigaa.

Inkastoo aanay jirin warar si rasmi ah u soo baxay, haddana, xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo kala duwan ayaa tibaaxay, in isbedel ku yimi aragtidii dhinaca madaxtooyada ee garabka u ahayd gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, taasoo ahayd taageeradda ugu wayn ee la filanay, isla markaana isa soo taraysay tan iyo intii uu xukuumadda ka baxay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo ka mid ah murashixiinta madaxweynaha ee xisbigaa. Xogahaasi waxay intaa raaciyeen, in haatan dabaysha madaxtooyadu ay u eg tahay mid u dhacaysa dhanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, isla markaana waxay xoguhu bidhaamiyeen inuu jiro kulan arrinkaa lagaga wada hadlay oo ka dhacay madaxtooyadu, kaasoo la tilmaamay in khusuusi koobani ay ku wehelinayeen Madaxweynaha. Tibaaxahaasi waxay intaa ku dareen, in kulankaa layskula qaatay, in Maxamed Biixi Yoonis uu noqdo murashaxa madaxweynaha ee xisbiga kulmiye, haddii xaqiiqdu sidaa tahayna waxa muuqata inuu meesha ka baxay khilaaf la tuhunsanaa inuu beryahanba u dhexeeyay Wasiirka iyo Madaxtooyada, kaasoo uu wasiirku dhiniciisa hore u beeniyay, kuna tilmaamay wax aan jirin.

Xoguhu waxa kale oo ay tilmaameen, inuu meesha ka baxay khilaaf la rumaysnaa inuu u dhexeeyay Wasiirka iyo wakiilka cusub ee Somaliland ee dalka Imaaraadka carabta Baashe Cawil, kaasoo la aaminsanaa inuu horeba door wayn uga ciyaari jiray taladda, haatana uu Wasiir Maxamed Biixi soo dhaweeyay magacaabistiisa, taasoo uu sheegay inay timi kadib markii uu isagu soo jeediyay.

Dhanka kale, jawaabtii madaxtooyadu kaga hadal celisay dooddii Wikileaks ee wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi iyo hiilkii uu Gudoomiye Muuse Biixi isla garab taagay wasiirkaa hore, ayaa iyana ka mid ah calaamadaha falanqeeyayaasha dhacdooyinka ee isha ku haya mawduucani ay u sibir saareen isbedelka.  Is casilaadii Agaasimaha xafiiska maamulka iyo xidhiidhka saxaafadda ee xarunta xisbiga Kulmiye Mustafe Iid Maxamed ayaa iyana weji gabax hor leh ku noqon karta gudoomiye Muuse Biixi, oo lagu tilmaamo, siyaasi hore u lumiyay saaxiibo badan oo haatan ka mid ah xisbiyadda kale.

Inkastoo yeedha yeedhahaasi soo duulleen, haddana labada murashaxba (wasiirka iyo gudoomiyuhu) waxay xoguhu iftiimiyeen, inay bishan ramadaan habeenkii  inta badan ku waqti qaataan madaxtooyada. Dhinaca kalena xogahani waxay soo baxayaan waqti uu dalka dib ugu soo laabtay Cabdicasiis Samaale oo ka mid ah siyaasiyiinta safka hore kaga jira loollanka murashaxnimada, isla markaana sida wayn isu hayaan Muuse Biixi. Wasiirkii hore ee maaliyadda Samaale iyo wasiirkii hore ee Wershadaha Abiib Timacad ayaa labaduba ka soo laabtay socdaal ay muddo dalka dibadiisa ugu maqnaayeen, kaasoo lagu tilmaamay safar welwel siyaasiya ku lahaa madaxtooyada.

Haddii jiritaanka   xogaha mawduucani sidaa dhab ku wada yihiin,  waxa cad inuu jiro isbedbedel iyo dhabar taabasho ka turjumaysa daymada madaxtooyada, taasoo xodxodasho iyo isku xoqidba beegsanaysa xalinta loollanka xisbiga dhexdiisa. Sidoo kale waxa muuqata, in gudoomiye Muuse Biixi oo u arkayay  haddii Cabdicasiis Samaale xilkii wasiirnimo laga qaaday, inuu ka nasan doono cabsidii siyaasadeed ee seejinaysay murashaxnimada, in haatan uu mar kale galay qol madow oo aanuu saadaalin Karin waxa gudihiisa ka heli kara.

 

 

Xigasho OgaalÂ