Xukuumadda Oo Mucaaradka Ugu Baaqday Ka Qaybgalka Wadahadal Guurtida Lala Galayo, Kana Digtay Shir Mucaaradku Qabsado

0

Hargeysa, (Biyo Guure News.com)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa isbahaysiga Mucaaradka ugu baaqday shir lagula xaajoonayo guurtida Somaliland si loogu qanciyo heshiiskii Mucaaradka iyo xukuumadda, waxaana mucaaradka looga digay shir kaas ka duwan oo ay qabsadaan.

Waiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde, oo saxaafadda kula hadlay xarunta wasaaraddiisa ayaa iclaamiyay wadahadalka lala galayo guurtida “Waxaa la bilaabayaa hawshii qabyada ahayd ee ahayd sidii guurtida loola xaajoon lahaa, sidii la isugu qancin lahaa heshiiska asxaabta iyo dawladdu ay galeen, in laga wadahadlo oo la isku soo fadhiisto sidii loo dhammayn lahaa wixii ka dhiman hawsha doorashooyinka” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa Mucaaradka uga digay shir ay hore u iclaamiyeen “Halkan waxaan ka caddaynayaa inaanu jirin shir qarameed kale oo sharcigu jideeyay oo dalkan laga qaban karaa.waxaan ugu baaqayaa asxaabta mucaaradka, shir kale jiri maayo oo la kala shiraaye, kaas jira ee arrinta lagu lafo gurayo ee lagu sharciyaynayo ayaanu ugu baaqaynaa inay ka soo qayb galaan, si loo helo nidaam loo dhan yahay oo lagu gaadho wakhtiga doorashada” ayuu yidhi Wasiirka daakhiligu.

Dhinaca kale Wasiir Warancadde, waxa uu eedeeyay mucaaradka oo uu tilmaamay inay heshiiska ka baxeen “Maadaama aynu hayno saxeexii, ogolaanshihii iyo aqbalaadii guddoomiyeyaasha mucaaradka, waxaan is waydiinayaa waaayo cidda ku kaliftay guddoomiyeyaasha mucaaradka inay si badheedh ah uga noqdaan heshiiska, iyagoo leh 27-ka July wax lagu heshiiyay ma jiro, cida ku khasabtay ayaan la yaabanay cida ay tahay” ayuu yidhi Warancadde.

Bishii May ee la soo dhaafay ayay saddexda guddoomiye Xisbi ee Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe iyo waliba Madaxweyne xigeenka Somaliland  waxay qalinka ku duugeen heshiis nuxurkiisu yahay in laga noqdo muddo kordhintii guurtidu samaysay ee ahayd in doorashada la qabto bisha March 2017, taa badalkeedana wakhtiga doorashada laga dhigo December 2016. Heshiiskaasi waxaa ganafka ku dhuftay Guurtida.

Mucaaradka ayaa dhawaan xukuumadda ku eedeeyay inay heshiiska ka baxday maadaama aanay ilaa hadda dhaqan galin sidaas darteedna aanay xukuumadda aqoonsan doonin wixii ka dambeeya July 27 oo ku beegan wakhtigii madaxweyne Siilaanyo xilka la wareegay, haddana uu muddo xileedkii la doortay kaga eeg yahay.