Siyad Barre ayaa dadka aamusiin kari wayay ee maxaa Oto iyo Cune lagu heystaa by Abdi Mustafe

0
Xuluumada Silaanyo ee leexadu sidato waxay maraysaa jarkii Faqash iska tuurtay. Silaanyo iyo koox diisa waxaad moodaa in aanay taariikhdii la soo maray aanay waxba ka xasuus nayn. Hadii cid la cabudhin karaayo ama shir laga ilaalin karayo Afweyne ayay u suurto geli lahayd oo 5 tii qof ba mid uu basaas u ahaa.Oo dadka lagu xidhi jiray xalay baad soo jeeday ood cawaysay. Oo dadka lagu xidhi jiray nin kaptan ah oo kufay baad ku qososhay. Waxa kale oo dadka lagu xidhi jiray heesta guulwadow siyaad baad qaadi wayday.  Waxa kale oo la isku xidhi jiray waxaa iyo waxaa ayaad ka fikiri gaadhay. Haye!!! Iyadoo intaa iyo wax ka daran la soo maray


ayaa hadana dadka la cabudhin kari waayay oo shirarka laga ilaalin kari waayay.

Hadaba Suldaan Cune iyo Mujaahid Oto in aa ku xidhaan fikir kooda ayay cabireen xisbiga Waddani na way taageeraan wax idinka soconaya maaha ee halkaa ka wada xidhiga khayr baydin ka qaadiye.
Abdi Mustafe