Dalka Ma Ragga U Soo Halgamay Ayaa Looga Baqayaa Mise Rag Aan Lahayn Damiir Wadaniyadeed? Qalinkii Axmed Sakatuur
(Hadhwanaagnews) Saturday, July 11, 2015 08:57:05
Qalinkii:Saxafi Madax-Banaan Qoraa:Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Mobile:4109843 Hargeisa Somaliland Rep.
Waxaa beryahanba dhegaheena ku soo badanayey oo saxaafaddu ay qaada-dhigaysay
Sir culus oo ay faafisay shabakadda wikileaks ee inta badan xooga saarta siraha wadamada ama
Shaqsiyaad mihiima ay galaan,shacabakaddaasi sida ay Xisbiyadda Mucaaridku u dhigayaan
Waxay sheegayaan in sir culus ay soo saartay oo ku saabsan Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda
Ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane:C/llaahi Maxamed Cumar inuu xidhiidh qarsoodiya oo
Federaala la yeeshay Maamulka aan caga ku taagnayn ee kacaa-kufta,darxumadda,amaan daradda,
Barakaca iyo Dhaqaale Burburka ku jira muddo 24 sano ah welina ay irbadoodii aanay ka dhaqaaqin
Serro ama Eber,haddaba waxaa iswaydiin leh oo waxlala yaabo noqotay maanta oo uu hogaaminayo
Hogaamiyihii ugu muddada dheeraa Jabhaddii
SNM ee awooda u yeeshay in ciidamada SNM ay madax-Madax u galaan labaddii magaalo ee ugu waynaa uguna ciidanka badnaa waa caasimaddii labaad ee
Soomaaliya ee Hargaysa iyo Caasimaddii Sadexaad ee burco oo wixii ka dhacay la ogaa,oo qofkii damiir
Lihi guddo iyo dibadba halganka qayb libaax ka qaatay oo rag iyo dumarba aan look ala hadhin,waa
Maxay sababta ay u cuskadaan shaqsiyaadka aan soo halgamin ama wadamo gaalo joogay weligoodna
Hal Dollar ku darsan Halgankii Lagula soo noqonayey Xornimaddii luntay 1960?
Maxay tahay in dadkii wadanka loogu yimi ay uga lexjeclo badan yihiin kuwii dibadaha ku cabayey
casiirka?,waa maxay sababta looga baqayo raggii soo halgamay inay wadanka iibiyaan?
Su’aalahaas Jawaabtooda qofkii damiir lihi ee wadanka u soo halgamay ama yaanuu u soo halgaminee
Uu wakhtigu siinwaayey niyaddiisuna ay wanaagsanayd wuu garanayaa inaanay ka suurtoobayn
M/waynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane:Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) inuu noqdo
Shaqsi bilaa damiir ah oo qiyaamaynaya shacabkiisa waa kaaf iyo kala dheeri .
M/wayne Axmed-Siilaanyo waxay ka suurta geli lahayd wakhtigii halganka uu hogaaminayey laguna
Qiyaaso 1987-1988 biloowgeedii Taliskii Maxamed Siyaad Barre in badan ayuu ergo u diray odayaal
Badan oo ka soo jeeda Sideeda Beelood ee Isaaq ka kooban yahay iyo weliba rag ay saaxiibo dhoow
Yihiin oo isugu jira Mareexaan,Dhulbahante ,Ogaadeen ,Majeerteen iyo Warsangeli oo weliba
Maxamed Siyaad Barre afkiisa laga hayo tanaasul kasta waan yeelayaa balse waa inuu ogolaado
Oo laga saxeexa Axmed-Siilaanyo inaanu wadanka kala goynayn oo waqooyi iyo koonfur ay samaystaan
Nidaamka federaalka .
Waa ayaan darro in maanta shacabwaynaha lagu cabsi geliyo Xukuumadda u hogaaminayo
M/wayne Axmed-Siilaanyo waxay maamulka muqdisho la gashay nidaamka federaalka ee ka
DHisan maamul goboleedyada mustaqbalka laga dhigayo Jamhuuriyaddo yar yar oo Madax-Banaan.
Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa AF-NOOLINA WAA HADLAA EYNA WAA CIYAA waa nasiib daro
Aad u wayn oo qof damiir lihi ama wadaniyaddi ka muuqato ama shacabwaynaha mustaqbalka ka
Raadin doona wakhti wakhtiyadda ka mida inay codka siiyaan,HUBSIIMO HALBAA LA SIISTAA Waxaa
Wanaagsan inuu qofka Diinta lihi ama cilmiga maadiga wax ka yaqaanaa inuu markuu hadal maqlo
Aanu ka dhigan AAYAD QURAANA AMA XADIIS SAXIIXA balse uu warka iska hubiyo,kuwa warka u
Keenayana uu wejigooda iyo hadalkooda isu eego ama isu fiiriyo.
Gooni isu taaga Somaliland way jiraan shaqsiyaad intay soo halgameen halgankoodii burush xaarle
Mariyey oo Muqdisho u talaabay oo Shacabwaynahoodii qiyaameeyey.
Shacabkaaga iyo Wadankaaga haddii aad qiyaamaysidna qofku ma liibaano oo shacabka
Reer Muqdisho ayaa colaad kala hor imanaya sababtoo shacabwaynaha reer muqdisho ama
Soomaaliya 95% waxay aaminsan yihiin shaqsiyaadka Somaliland ka yimi inay yihiin Calooshood
U shaqaystayaal aan lagu aamini Karin Sirta iyo Xogta Soomaaliya oo Shacabkooda reer Soomaaliland
Aanay ku lahayn Miisaan,Sumcad,Sharaf iyo Qadarin.
Waxaan Xukuumadda Xisbul Xaakimka Kulmiye kula talinayaa arrintan ay ku kaceen mucaaradku waa
Qudh-gooyo oo waa waxyaalaha laga dagaalamo waa inaad Maxkamad la tiigsataan oo ay keenaan
Cadaynteeda haddii ay keeni waayaan waa in la mariyo qaybta Ansaxa oo ganaax aad u culus oo ugu
Yaraan ah 5,000,000 dollar shan milyan oo dollar lagu ganaaxo xisbiyadda mucaaradka kuwooda
Faafinayey sirta shabakaddu sheegtay haddii ay cadayn rasmiya mucaaradku la yimaadaana
Sharciga la mariyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Mudane:C/llaahi Maxamed Cumar.
– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=159703#sthash.W7AQMSrc.dpuf