Cabdiwali gas iyo Aadan Madoobe oo tashi ka galaya galmudug, Inay aqoonsadaan iyo In Kale

0

Axmed Madoobe Iyo Cabdi Wali Gaas Oo Ka Tashanaya Maamulka Galmudug


(Hadhwanaagnews) Saturday, July 11, 2015 19:43:05
Axmed Madoobe Iyo Cabdi Wali Gaas Oo Ka Tashanaya Maamulka Galmudug

Hargaysa(HWN)Madaxweynaha Maamulka KMG Jubbaland Sh. Axmed Maxamed Islaam (Sh. Axmed Madoobe) ayaa Maanta Gaaray Garoowe, halkasoo si diirran loogu soo dhaweeyay, isla markaana uu kulammo kula leeyahay dhiggiisa Puntland C/weli Gaas.

Garoowe(HWN)Axmed Madoobe oo warbaahinta la hadlya soo dheweynta kaddib ayaa sheegay in safar-kiisan uu ku yimid Puntland uu aad ugu faraxsan yahay uuna kulammo kula yeelan doono Garoowe Madaxweynaha Puntland. C/weli Gaas kaasoo ay kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada maamul.

“Puntland inaan imaado aad ayaan ugu faraxsanahay, Inta aan joogana kulamo kala duwan ayaan la yeelan doonaan madaxda maamulkan oo uu madaxweynuhu ugu horreeyo,” ayuu yiri Sh. Axmed  Madoobe.

<p< span=””>

style=”text-align: justify;”> Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo dhankiisa la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynaha Jubbaland ay kawada hadli doonaan arrimaha federaalka dalka oo ay labada maamul kaalin mug leh kaga jiraan sidii dalka looga dhigi lahaa mid federaal ah.

C/weli Gaas ayaa intaas ku daray in sidoo kale ay isaga iyo Sh. Axmed Madoobe ay kaga hadli doonaan kulammadooda sidii ay xiriirkooda gaar ah u xoojin lahaayeen, ayna meel uga soo wada-jeesan lahaayeen wax walba oo carqalad ku ah maamullada ay hoggaamiyaan.

Ugu dambeyn, labada Madaxweyne ayaa sheegay in inta badan Kulammadooda ay uga hadli doonaan danta Soomaali weyn, inkastoo ay sidoo kale ka hadli doonaan horumarka iyo nabadgalyada maamulladooda.

– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=159736#sthash.3z2SY5SH.dpuf