Wasiirka Madaxtooyada somaliland Xirsi cali Xaaji xasan oo Tiro Rag ah oo Kasoo Jeeda Qoyskiisa ah Amar dawladeed Kaga hawlgaliyay Hay,adaha dawlada e Haamaha shidaalka iyo dekada

0

Berber(Biyoguure News)Wasiirtada Xukuumada Somaliland ayaa Qaarkood waxa ay si Toos ah Uga faa,iidaystaan Xilkaa ay Umada u hayaan Iyagoo Isticmaalaya dariiqada qaldan ee Qabyaalada, waxaana Dhawaanta ka Dhacday magaalada Berbera Horaaantii Bishan ramadaan In wasiirka madaxtooyada somaliland Xirsi cali x Xasan uu Lix Nin oo Qoyskiisa kamida Awoodiisa Beelaysan uu kaga shaqaaleeyay haamaha shidaalka Berbera halka uu Xubno kalena Uga Qoray Lacag cadkeedu badnyahay,
Waxaana ka Mida ragaasi oo Qaarkood aanu xaqiinay Sidan,
1- Saleebaan Diiriye oo Hore Askari Bilays ah u ahaa hadana Laga Dhigay sarkaal Dekada Berbera ah Waxaa Looga qoray haamaha shidaalka Berbera Lacag Dhan shan Kun oo Doolar
2- Maxamed aadan Dubad oo ku Magac Dheer Ilkacase waxa wasiirku Si Toos ah ugu amray Maareeyaha haamaha saleebaan siciid in uu Shaqaaleeyo Bishana u Bilaabo Mushaharka ugu sareeya ee Laga Bixiyo haamaha shidaalka.
3- Maxamuud seeraar oo isaguna ka dalbaday wasiir Xirsi Lacag dhan tobankun oo doolar si uu Dhakhtar debada ah ugu tago, waxaana Loogu balamiayay Maareeyaha haamaha oo Markiiba balan qaady sida waraku Sheegayaan
3-Maxamed Jibriil oo Loo yaqaan cambe wxaa Isagu Ka dalbaday wasiir Xirsi in La siiyo Lacg dhan shankun oo Doolar oo uu ku Hagaajisto gaadhi laankuresar ah oo Dhawaanta laga soo siiyay hargaysa,
Sadex oo kalena waxa uu wasiir Xirsi ka hawlgaliyay Dekda Berbera, waxaana ka mida
Ibraahim maxamed cali iyo Axmed Maxamed oo laga hawlgaliayay Qaybta salfadooranka e dekada Berbera, Dhamaan ragani waxay ka Tirsan yihiin Qoyska wasiir Xirsi oo Awood Reeraysan isticmaalaya, Waana Iska nasiib daro raga Madaxda ka ah hay,adaha dawlada ee Berbera waxa kaliya e ay Ilaashadaan waa Kursigaa Lagu bahdilayo, waayo qaarkood maba laha aqoon ay Maamulka Intaa Leeg ku qabtaan sida saleebaan siciid waligiina iskuul Muu galin waxna Muu baran waxoogaa diinta ah ayuu bartay waana afmiishaar xiligan ku xidhan qoyska madaxtooyada Somaliland, Waana Nin aad xariif ugu ah Iska dhaadhicinta Masuuliyiinta sare e xukuumada somaliland, waxanu Ku faanaa in uu Sheekh u yahay qoyska madaxtooyada,
Sida Lawada Ogyahay Habeenkaa uu Xirsi haw;lgalinayay ragan qoyskiisa ah waxaa uu shir hoose la galay Raga Ugu Tunka wayn Beeshiisa ,
Guud ahaanba Tirada laga shaqo galiyay Gobolka saaxil khaasatan Berbera Intii xisbiga kulmiye uu ku Guulaystay talada wadanka somaliland Mudadaa shanta sano ah waxay dhan yihiin sadex iyo sagaashan qof oo Maanta Ku jira Liiska shaqaalaha dawlada ,

Axmed Maxamed Yuusuf
Berbera