Shir wada Tashi iyo nabad Gelyo Saldhigiisu yahay ayaa illaa horaantii bisha may ka socday degaanka badhan ee caro warsangali, shirkan ayaa waxaa ujeedadiisu ahayd isku ururinta danta dadka degamadaasi wada dega mid siyaasadeed iyo min bulshaba, Oday Aqoonyahan Siciid Maxamed buraale oo khadka teloofanka iigu waramay ayaa marka hore ii sheegay in is afgarad gobonimo lihi dhex maraey beesha baladhan ee warsan geli iyadoo suldaankii guud na dhex fadhiyo waxaanu Oaday Siciid intasi ku daray in mudo 30 casho ku dhow wada tashi iyo isku ururin aya u fadhiyeen degaanka badhan saladiinta beeshaasi ,ugaasyo iyo cuqaal ku dhow toban iskula xilqaameen arrin xasnaad if iyo aakhiroba leh oo ah danta iyo nabad bulshada degamadaasi,
Oday siciid Maxamed buraale wuxuu inaasi ku sii daray in bishan juun kowdeeedii aya shir salkiisu balaadhan yahay hadana u fadhiyan magalada ceeri gaabo ee magalo madaxda gobolka sanaag shirkaasina lagag hadli doono mustaqbalka nabada iyo siyasada degaamadaasi hoos yimaada magaalada Badhan , waxaanan rajaynaynaa ayuu yidhi in wax umadu kuwada faraxdo lagu gaadho,,
Hadaba sida aanu wararka dheeradka ku hellayno shirka markii hore ka dhacay badhan ee gunanadkiisiina laysla yimid Ceerigaabo waxaa ka mida qodabada udub dhexadka u ah in besshasi oo mudooyinkii udanbeeyay taladeedu faraaro yeelatay ay xiligan ay iskugu lugo duwan doonaan halkii ay dantooda ka arkaan , illo xog ogala ayan sheegay in waqtigan ay xoojin doonan siyaasadooda ku aadan Somaliland oo ay u arkaan wadanka ay wax la leeyihiin meelihii kalena ay dool ku ahaayeen,
Sida muuqatana madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland oo la filayo in uu malmaha soo socda safar ugu kicitimo degaanada dhaca bariga Somaliland lana filayo in uu xadhiga ka jaro dekada cusub ee MAYDH iyo garoonka diyaaradha oo dib habayn casri ah lagusameeyay iyo waliba xarun dhisme way oo madaxtooyada ceerigaabo ah aya dhanka kalena la filaya in uu goobjoog ka ahaan doono xidhitaanka shirkaa beesha baladhan ee warsan gali ku qabsatay ceerigaabo, waxana suuragala in hogaanka dhaqanka iyo siyasiyiinta ku laman shirkaasi in ay ay isla xisaabtan hor dhigan madaxwayne muuse biixi,