20 Sano Kadib shir ay udhan yihiin beesha xadaarada xeebaha warsangali oo ka socda Ceerigabo

0

Shir wada Tashi iyo nabad Gelyo Saldhigiisu yahay ayaa illaa horaantii bisha may ka socday degaanka badhan ee caro warsangali, shirkan ayaa waxaa  ujeedadiisu ahayd isku ururinta  danta  dadka degamadaasi wada dega mid siyaasadeed iyo min bulshaba, Oday Aqoonyahan Siciid Maxamed buraale oo khadka teloofanka iigu waramay ayaa marka hore ii sheegay in is afgarad gobonimo lihi dhex maraey beesha baladhan ee warsan geli iyadoo suldaankii guud na dhex fadhiyo waxaanu  Oaday Siciid intasi ku daray in mudo 30 casho ku dhow wada tashi iyo isku ururin aya u fadhiyeen degaanka badhan saladiinta beeshaasi ,ugaasyo iyo cuqaal ku dhow toban iskula xilqaameen  arrin xasnaad if iyo aakhiroba leh oo ah danta iyo nabad bulshada degamadaasi,

Oday siciid Maxamed buraale wuxuu inaasi ku sii daray in  bishan juun kowdeeedii aya shir salkiisu balaadhan yahay hadana u fadhiyan magalada ceeri gaabo ee magalo madaxda gobolka sanaag shirkaasina  lagag hadli doono mustaqbalka nabada iyo siyasada  degaamadaasi hoos yimaada  magaalada Badhan , waxaanan rajaynaynaa ayuu yidhi in wax umadu kuwada faraxdo lagu gaadho,,

Hadaba sida aanu wararka dheeradka ku hellayno  shirka markii hore ka dhacay badhan ee gunanadkiisiina laysla yimid  Ceerigaabo waxaa ka mida qodabada  udub dhexadka u ah in  besshasi oo mudooyinkii udanbeeyay  taladeedu faraaro yeelatay ay xiligan ay iskugu lugo duwan doonaan halkii ay dantooda ka arkaan , illo xog ogala ayan sheegay in waqtigan ay xoojin doonan siyaasadooda ku aadan Somaliland oo ay u arkaan wadanka ay wax la leeyihiin  meelihii kalena ay dool ku ahaayeen,

Sida muuqatana  madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland oo la filayo in uu malmaha soo socda safar ugu kicitimo degaanada dhaca bariga Somaliland lana filayo in uu xadhiga ka jaro dekada cusub ee  MAYDH iyo garoonka diyaaradha oo dib habayn casri ah lagusameeyay iyo waliba xarun dhisme way oo madaxtooyada ceerigaabo ah  aya dhanka kalena la filaya in uu   goobjoog ka ahaan doono xidhitaanka shirkaa  beesha baladhan ee warsan gali ku qabsatay ceerigaabo, waxana suuragala in hogaanka dhaqanka iyo siyasiyiinta ku laman shirkaasi in ay ay isla xisaabtan hor dhigan madaxwayne muuse biixi,