Home Maqaallo Maxa kasoo baxay kulnakii qasriga madaxtooyada ku dhex marey, Madaxwayne biixi,gudida kulan...

Maxa kasoo baxay kulnakii qasriga madaxtooyada ku dhex marey, Madaxwayne biixi,gudida kulan galoobal iyo odayasha dan iyo duco iyo mujahid dhegawayne oo ka shaqeeyay iskusoo dhawanshaha labada dhinac

0
Madaxweynaha ayaa la qaatay in Beeshu xaq u leedahay inay shir danahooda ku saabsan qabsadaan, balse waxa uu labada garab ka codsaday in midow Lagu qabto, isla Markaana intaa ka horaysa mudada shirka ka hadhsan la dhameeyo guddiyada Beelaha Ciise Muuse, gaar ahaan Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse ee Kulan Global iyo Guddida Dan iyo Duco.

kulanka labada guddi ee Beelaha Ciise Muuse  ayaa waxa si weyn uga dhex shaqeeyey isu-soo dhoweyntooda masuuliyiin xilal haya iyo Madaxweynaha.

kulankan ayaa u Madaxweynuhu ku heshiisiiyey labada Dhinac ee guddiyada kala ah Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse iyo xubno kamid ah guddiyada Dan iyo Duco, waxana halkaa guddi uu dhammaynta khilaafka u Saaray saddex xubnood oo isku soo dhoweyn iyo heshiiska sii wadi doonta, waxana kamid ah xubna haldoorka iyo Madax-dhameedka isaggu jira ee Madaxweynuhuu u gartay in Shirkana Beeshu qabsato, wixii khilaaf ah si sulux ah Lagu dhameeyo Mujaahid Ibraahim Cabdilahi Dhego-weyne iyo Cheif Caaqil Axmed Caaqil Yare iyo Caaqil Cumar Jaamac Cilmi.

Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse, ayaa la filayaa inuu qabsoomo Badhtamaha bisha fooda inagu soo haysa ee November.

 

Newsletter Sign-up

Your Name (required)

Your Email (required)