Faahfaahin dheerada oo ka soo baxaysa Duqaymo ay Itoobiya ka fulisay gobolka Tigray

0

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in labo duqaymood oo dhanka cirka ah ay ku qaadday fadhiisimo ay fallaagadu ku leeyihiin Galbeedka iyo Waqooyiga gobolka Tigray – taas oo sii ballaadhinaysa duqaymaha ay dowladdu waddo.

Xukuumadda ayaa sheegtay in bartilmaameedku uu ahaa warshado , ay adeegsana yeen jabhadda TPLF, kuwaas oo ay u adeegsanayeen tababarka iyo in ay ku farsamaystaan aagab militari

Afhayeen u hadlay TPLF ayaa beeniyey in xarumo ciidamo lagu tababaro ay goobaha la duqeeyey ay ku yaalleen. Saddex duqaymood oo hore ayaa lala beegsaday magalaada Mekelle.Xukuumadda ayaana sheegtay in ay bartilmaameedsatay fadhiisimo ay fallaagadu ku sugnaayeen hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in dad rayid ah ay halkaa ku dhinteen.