Gudoomiyaha Shirkadda DP World oo ka hadlay Heshiiska dhexmaray Carabta iyo Israaโ€™iil?

0

โ€œHeshiisyada nabadeed ee ay Israaโ€™iill la gashay Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa, โ€ wax weyn u noqon doonaโ€ ganacsiga gobolka,โ€ mid ka mid ah ganacsatada ugu saameynta badan Bariga Dhexe ayaa sidaasi u sheegay BBC-da.

Sultan Ahmed bin Sulayem, oo ah gudoomiyaha iyo agaasimaha guud ee shirkada DP World ee fadhigeedu yahay Dubai, ayaa sheegay inay meesha ka saarayaan caqabadaha hortaagan isku xirka ganacsiga ee markii horaba โ€œaan la ogoleynโ€, iyagoo soo gaabin doona waddooyinka ganacsiga isla markaana fududeyn doona la macaamilka Yurub.

Israaโ€™iill ayaa sheegtay in qiyaas ahaan ganacsiga Imaaraadku uu sannadkiiba gaari doono afar bilyan oo doolar, uuna abuuri karo ilaa 15 kun oo shaqo.

Mr bin Sulayem wuxuu qirsan yahay inay faaโ€™iido u leedahay labada dhinacba: โ€ Israel waan u baahanahay, iyagana way noo baahan yihiin.โ€

Raysal wasaaraha Israaโ€™iil Benjamin Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UAE Abdullah bin Zayed Al Nahyan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Bahrain Abdullatif bin Rashid Al Zayani iyo madaxweyne Donald Trump oo ku kulmay Aqalka Cad.

Waxay u badan tahay in ganacsiga Carabta iyo Israaโ€™iil uu koro haddii lagu daro badeecado badan oo haatan ay dalalka bariga dhexe u soo dhoofiyaan Dubai.

Toddobaadkan, Markabka MSC Paris waxuu noqotay mid ka mid ah maraakiibtii ugu horreysay ee xamuul ah oo sameeya safarka labada dal, waxaana baarlamaanka Israaโ€™iil uu si rasmi ah u ansixiyay heshiiska ay la galeen Imaaraadka Carabta.

Raysal wasaaraha Israaโ€™iil Benjamin Netanyahu ayaa soo dhaweeyay agabkaasi ka kooban qalabka elektarooniga, nadaafadda, birta iyo qalabka dab-demiska waxa uuna ku tilmaamay โ€œbilow aad u weynโ€.

DP World waa shirkadda maamusha dekadaha aduunka ugu waaweyn waxayna haatan lashaqeyneysaa shirka DoverTower ee ay Israaโ€™iil leedahay si loo balaariyo dalalka ay shirkadda ka howlgasha. Israel waxay dooneysaa inay hagaajiso xarumaha dekedda ee Ashdod iyo Haifa oo muhiim u ah dhaqaalaheeda.