iPhone 12: Waxa yar ee telefoonnadii casriga ahaa kasii dhigay casri

0

Phone-ka cusub ee Apple ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee isticmaala qalabka tiknoolojiyadda awiiddeedu tahay 5nm

Telefoonka noocisu yahay Apple iPhone 12 ayaa noqday kii ugu horreeyay ee loo adeegsado chip (qalab yar) oo awoodda tiknoolojiyaddiisu ay aad u sarreyso, horayna aan caalamka looga isticmaalin wali.

Qalabkan ayaa dadka telefoonkaas heysta u sahlaya inay sameeyaan waxyaabo ay ka mid tahay inay wax ka baddalaan muuqaallada tayadoodu tahay 4K.

Sidoo kale waxa uu tayo aad u sarreysa u yeelayaa sawirrada lagu qaado iPhone-ka cusub ee dhawaan shaaca laga qaaday iyo sidoo kale in lagu ciyaari karo games si nadiif ah loo arkayo muuqaalladooda.

Marka uu dabka batariga dhaco xitaa sawirrada, muuqaallada iyo ciyaaraha telefoonkan waxay noqon doonaan kuwo aysan tayadooda isbaddalin.

Qalabkan oo magaciisa loo soo gaabiyo 5nm ayaa ah mid aad khafiif u ah oo la eg 25 atom oo kaliya – balaayiin kale oo isaga lamid ah ayaana telefoonka sii gali kara.

Qalabka ASML’s NX3400

Haddii si toos ah loo sharraxo waxqabadkiisa, wuxuu ka dhigan yahay in telefoonka loo helay maskax awood dheeraad ah leh.

Haddii aan dib u jalleecno afar sano oo lasoo dhaafay ka hor, xilli ay shirkado aad u badan soo saarayeen telefoonnada casriga ah, waxaa shaki weyn laga qabay in qalabkan chip-ka ah guushiisa la gaadhi karo waqti dhow.

Waxaa dhaqaale badan ku bixisay shirkadda Netherlands laga leeyahay ee ASML, oo xoogga saareysay sidii ay ku farsameyn lahayd.

Mahsiinnada lagu sameeyay qalabkaas aadka u yar mid walba kharashiisu wuxuu dhan yahay $123m (£92m). Qiimahaas aad buu uga sarreeyaa kharashka ay ku fadhiyaan qalabyada ay shirkadaha kale u isticmaalaan sameynta telefoonnada casriga ah.

Laakiin hadda waxaa u suurtagashay shirkaddan inay noqoto tan kaliya ee awooddaas yeelatay, islamarkaana uu qalabkaas layaabka leh kaligeed ku kooban yahay.

“Wax sidaasoo kale u yar ayaa haddana fure u ah tiknoolojiyad aad u ballaadhan,” ayuu yidhi Dr Ian Cutress, oo ka mid ah khubarada ka shaqeysa shirkadda.

Kaliya labo shirkadood oo ka mid ah kuwa iibiya qalabka laga sameeyo chip-ka ayaa hadda soo suuq geeyay aaladdaas.

  • TSMC – oo ah shirkad laga leeyahay waddanka Taiwan, ahna shirkadda bixisa qalabka loogu talagalay telefoonnada iPhone-ka, iPad-yada iyo kumbuyuutarrada Mac-ga
  • Samsung – oo hadda sameyneysa qalab sii casriyeeya telefoonnadeeda Android-ka ah, lana filayo inay tiknoolojiyad noocan ah shaaca ka qaaddo bisha December.

Labadan shirkadoodba waxay leeyihiin qalabka ASML oo lagu wado in tiknoolojiyadda 5nm lagu rakibo sanadka 2021-ka.