Labadii wiig e u danbeeyay waxaa  kulamo gar gaar ah yeelanayay xubnaha ururka Tawfiiq e gaadiid layda baabuurta waaweyn waxaanay ka Arin sanayeen sidii ay u qabsan lahayeen doorashadii       madax tinimada Ururka Tawfiiiq ee gaadiidka xamuulka ka  qaada  dekada berbera
Kulamadaasi waxa kazoo baxay in ay mudaysteen maalinta 25 /7/2020 inay qabsdaan shirkooda ay ku dooranayaan cida hogaamin lahayd labada soano e soo socda,
Hadaba  caawa oo ay u diyaar garoobayeen inay maalinta bari ah o sabti ah ay qabasadaan shirkaasi waxa ka hor yimid caqabad siday warbaahinta u sheegeen xubno kamida Ururkaasi  iyo musharixiin iyagu isku taagayay inay ka  qayb galaan tar tanka jagadaasi  gudoomiye nimada ururka tawfiiq,
Waxaany ku eedaynayaan agaasimaha guud e wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cumar sayid in u caqabad ku noqday maamulkoodii iyo shirkii ay qabsan lahaayen ,waxaanu nahor dhigay ayay yidhahdeen qodabo aan xeerkayaga ku jirin o nagu cusub ,
Waxaanay sheegeen in qodabdaasi ay kamid yihiin
1,In agaasaimaha guud u  gacanta lasoo galay kaadhadhkii xubnaha codaynayay o tiradoodu dhameyd 51 waxaanu nagu xidhay  ayay yidhahdeen shuruud ah in aan lagu daabicin magacyada  ka qaybgalayaasha shirka sidaa daraadeedna u isagu agaasime guud ahaan ku qori doono magacyada,
2,waxa kale o ay ku eedeeyeen in u kala diray gudidii qaban qabada shirka e ay lahaayeen ururka tawfiiq ,sida Darteedna   ay wasaarad ahaan iyagu mamuli doonaan doorshada, taas o ay ku tilmaameen xunha ugu tunka roon ururka tawfiiq mid xeerar kooda baal marsan
3, sidoo kalena waxay inta ku dareen in u ku amray Agasimaha guud in 51 xubnood e doorashada ka qayb galaya ay kusoo wareejiyaan mulkiyadii gaadiidka ay leeyihiin,
4,waxaa kale o ay ka biyo diideen siday warbaahinta u sheegeen Xubno Muhiim ah o ka tirsan ururka tawfiiq in musharixiita laga rabo lacag sida gudoomiayaha o laga rabo 5000,000 milyan o Somaliland shilling ah iyo ku xigeenkiis iyo xoghayaha o laga rabo midkiiba 3000,000 o Somaliland
shilling ah, waxaanay ku tilmaameen tacadi ay wasarada gaadiidku ula timid ururkan tawfiiq e darawlada gadiidku ku midoobeen,
Hadaba sida warbaahinta madaxa banan war ku heshayna sadexda xubnood e gudoomiyaha ,ku xigeenkiisa iyo xoghayah iminka talada sii haya waxa laga qaaday 11000,000 milyan o shilin, halka warar kale o saxaafad loosoo dusiyayna ay tibaaaxayaan in musharixiin kalena laga qaday lacagtaasi,
Dabcana Agaasimaha guud e wasarada gadiidka iyo horumarinta jidadak asomaliland cumar sayid ayaa wiigii u danbeeyay ku sugnaa berbera waxaana wehelinayay agasimaha waaxda gaadiidka ,
Dhanka Kalena Xubnaha Ururkan tawfiiq ku midoobay ayaa badiba waxay aaminsan yihiin in doorka wasaradu noqdo goob jog uun laakiin ay kazoo horjeedaan in hawlahooda doorasho iyo mamulka xafiiskoodaba in wasaaradu gacmaha lasoo gasho,
Eedayntan oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino agaasimaha guud ayaanay noo suura galin kadib markii u qaban waayay Telofanka,