War Deg Dega o Kasoo baxaya Degaanka Ceel garde e Xeebta bariga Berbera o 12km u jirta magaalada aya waxaa kazoo cusbaanaaday Khillaf hore u sababay dhibaato xoogan o iska hor imaad ukeenay dadka degaankaasi wada degan sanadkii 2016
Xogta Wararka kazoo baxaya ayaa sheegaya in dad is Urursaday ay degaankaasi ceel garde ka bilaabeen inay ka samaystaan dhul la dayrayo iyo beero taasoo siday warbaahinta u shegeen odayaal degaankaasi ahi macnaheedu yahay degaamayn cusub o halkaasi laga yagleelayo, iyadoo sida lawada ogyahay xukuumadii Madaxwaynihii hore e Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay Xayirtay dekad macmal ah o laga waday xeebta ceel garde ,markii dhib laxaad leh ay ka dhacday o sababi gaadhay in dagaal beeleed Degaankaasi ka qarxo sanadkii 2016,
Hadaba Wararka kale e Warbaahintu ka heshay degaankaasi Ceel Garde ayaa tibaaxaya in hay,adaha Amingua e Gobolka saaxil ay ka War Helleen Guuxa ka jira Degaankaasi o ay uga baqeen in gacan ka hadal ka dhaco,Waxaany Soo Xidh Xidheen dadkii hawlaha ka waday e ka
samaynsanayay beeraha iyo seesaska, maalintii khamiistii e bishu ahayd 16/4/2020 , dadkan ayaana Hay,adaha Amnigu usoo xidh xidheen xaga amaanka iyo dhul ay iska calaamadaysteen o sharci daro ah, sida warbaahinta madaxa banana xogta ku heshay, laakiin ragaasi waa lasoo daayay manta o bishu ahayd 19/4/2020 sida xogo hoose usoo dusiyeen warbaahintana, Amarka ragan lagu sii daayay waxaa soo bixiyay wasiirka Arimaha gudaha jamhuuriyada Somaliland Maxamed Kaahin Axmed