Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taliyaha
ciidanka lugta ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya u magacaabay Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Cabdixamiid waxaa dhawaan xilkii taliyaha booliska Nugaal ka qaaday madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Maxamed Dani.
Wuxuu horey u ahaa taliyihii ciidammada la dagaalanka argagixisada ee gobolka.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo wuxuu Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka u magacaabay Maxamed Cali Bariise
BBC