Madaxawynaha dawlada xamar o sarkal milatry o shaqada u ka eryay mafdaxwaynaha butland janan ka dhigay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taliyaha

ciidanka lugta ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya u magacaabay Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Cabdixamiid waxaa dhawaan xilkii taliyaha booliska Nugaal ka qaaday madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Maxamed Dani.

Wuxuu horey u ahaa taliyihii ciidammada la dagaalanka argagixisada ee gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo wuxuu Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka u magacaabay Maxamed Cali Bariise

BBC