Waxaynu
wada ognahay in JSL hayadaha gaarka loo leeyhay ay aad uga horeeyaan
hayadaha dawliga ah, Hadii aan xeerar lagu xakameyn sida caalamka
dawladnimo ma jirayso mana koreyso. Hababka maamul iyo maareynta
dawladnimo ayaa sunaheedu yahay in lays waafajiyo danta, doonista
shacabka iyo daryeelka shuruucdooda hadii aan sharcigu sareyn oo aan
lagu dhaqmin dawladnimo ka jireyso.
Xeernimadaamiyaha Dugsiyada gaar ka ah loo sameeyey wuxuu waafaqsan yahay :1- Shareecada islaamka2- Dastuurka qaranka3-Xeerarkii ay ansixiyeen Baarlamaanka JSL4- Xeerka Waxbarashada JSL ee xeer Lr 77 / 2018..
Sidaa
daraadeed dugsiyada gaarka loo leeyahay ee is hortaaga
Xeernidaamiyaahaa sharciga ah ee loo sameeyey waxay waayi karaan
rusqadooda.Dugsiyada gaarka ah waxaa lagu qiimeynayaa
halbeegyada lagu cabiro xogta isku dhafan ee xaqiijinta tayada
waxbarashada iyada mar walba lagu saleynaayo danta guud ee ilmaha ama
ardeyga. Dugsiyada gaar ka loo leeyahay wax kale lagama rabo ee waa
in ay raacaan shuruucdan hoos ee loo dhigay:
1- Waa in ay ruqsad qaanuuni ah oo sharci ah ka haystaa wasaarada waxbarshada JSl2- Waa in ay u hogaan samaan xidhiidhka wada shaqeyneyd ee iyaga iyo Wasaarada waxbarashada 3- Waa in ay haystaan goob waxbarasho oo ku haboon bay’da waxbarashada caruurta4- Waa in ay haystaan Bareyaal buuxiyey shuruudaha ku xusan xeernidaamiyaha loo sameeyey qodonkiisa 92-aad.5- Dugsiyada gaar ka ahi waa in ay raacaan Jadwalka sanad-dugsiyeedka ( academic calendar ) ee wasaaradda Waxbrashada qaranka 6-
Dugsiyada gaarka loo leeyahay waa in ay ku dhaqmaan manhajka qaranka
JSL si waafaqsan xeerka waxbarashada JSL ee xeer Lr 77 /20187- Dugsiyada gaarka loo leeyahay waa in bixiyaan cashuurta sanadlaha ah iyo cashuurta shaqaalahooda ee ku waajibtay.8- Dugsiyada gaarka loo leeyahay fasaladooda waa in aanay fadhiisan wax ka badan 45 arday fasalkiiba9- Waa
in dugsi waliba iska diiwaan geliyo Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka si
loo helo cid loo raaco hadii dhibi ka dhacdo dugsigaas.10-Waa
in dugsi waliba warbixin sanadleh ah oo dhameystiran uu gudbiyaa
Wasaaradda Waxbarasha sanadkiiba si loola socda tayadooda waxbarsho.
Waxaa la gudboon Wasaarada Waxbarashada JSL in ay iyadu yeelato go’aan qaadasho taban si hawshii loo igmaday ay u fuliso:
1- Dugsi kasta oo la yimaada is hortaag go’aan sharci ah oo hayad qaanuuni ah ay soo saartay waa in ay rusqada lagala noqdaa2- Waaxda kormeerka wasaaradda waxbarashadu waa in ay kormeertaa dugsi kasta oo qiimeyn dhab ah ku sameysaa sanadkiiba3- Dugsiyada aan ruqsada ka haysan Wasaaradda Waxbarashada waa in ganaax iyo digniin la dul dhigaa si ay u qaataan rusqada4- Waa in wasaaraddu tiro koobtaa macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada gaarka ah kadibna ay siisaa rusqada macalimo5- Waa in wasaaraddu macalimiinta ajaanibka ah ee dugsiyadaa wax ka dhiga ay iyagana liisan gaar ah siisaa.6-
Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee diida in ay ku dhaqmaan Siyaasada
waxbarashada JSL, iyo xeerarka iyo xeegaanada waxbarashada waa in
rusqada lagala noqdaa.7- Dusiyada gaarka loo leeyhay ee
albaabada ka xidha wada shaqeynta wasaaradda waxbarashada iyo kormeerka
wasaaradda waa in ruqsada lagala noqdaa8- Dusiyada aan u
qalmin in ay waxbarashada sii wadaan ilaa inta ay ka buuxinayaan
shuruudaha ku xusan xeernidaamiyaha loo sameeyey waa in la siiyaa rusqad
ku meel gaadh ah oo mudo kooban ah ilaa inta ay shuruudaha soo
buuxinayaan.9- Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee la seexdo (
boarding schools ) waa in si gaar ah loo kormeeraa iyada la eegaayo
nadaafadooda, nafaqada,iyo tayada waxbaradaba10-Dusiyada
gaarka ah ee aan keenin manhaj waafaqsan xeerka waxbarashada JSL waa in
aan rusqad la siin ilaa inta ay raacayaan manhajka JSL.11-
Dhamaan heerarka waxbarashada ee dugsiyada gaarka loo leeyahay waa
in lagu jaangooyaa 4-4-4 hadii kale waa in aan la siin liisan buuxa.
Gunaanad: Xeer-nidaamiyaha Waxbarashada gaar ka ah ee JSL wuxuu waafaqsan yahay dastuurka qaranka iyo xeerka Waxbarashada JSL ee xeer Lr 77 / 2018. Fiiro
Gaar ah: Talooyinkan aan kor ku soo jeediyey waxay ku saleysan yihiin
Xeerarka iyo Xeegaanada Waxbarashada JSL oo uu ugu horeeyo Xeernidaamiyaha waxbarashada gaarka loo leeyahay xeer Lr 01/2018.
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Education Advisor ED BD PA
United Kingdom
London