Q-2aad-Wixii muran sharci ah ee ka yimaada Xeernidaamiyaha waxbarashada gaar ka ah waa in lagu naaqishayaa Xeerka waxbarashada JSL.qalinkii A/rahman fidhinle UK

0

Waxaynu wada ognahay in JSL hayadaha gaarka loo leeyhay ay aad uga horeeyaan hayadaha dawliga ah, Hadii aan xeerar lagu xakameyn sida caalamka dawladnimo ma jirayso mana koreyso. Hababka maamul iyo maareynta dawladnimo ayaa sunaheedu yahay in lays waafajiyo  danta, doonista shacabka iyo daryeelka shuruucdooda hadii aan sharcigu sareyn oo aan lagu dhaqmin dawladnimo ka jireyso.
Xeernimadaamiyaha Dugsiyada gaar ka ah loo sameeyey wuxuu waafaqsan yahay :1- Shareecada islaamka2- Dastuurka qaranka3-Xeerarkii ay ansixiyeen Baarlamaanka JSL4- Xeerka Waxbarashada JSL ee xeer Lr 77 / 2018..
Sidaa daraadeed dugsiyada gaarka loo leeyahay ee is hortaaga Xeernidaamiyaahaa sharciga ah ee loo sameeyey waxay waayi karaan rusqadooda.Dugsiyada gaarka ah waxaa lagu qiimeynayaa halbeegyada lagu cabiro xogta isku dhafan ee xaqiijinta tayada waxbarashada iyada mar walba lagu saleynaayo danta guud ee ilmaha ama ardeyga.  Dugsiyada gaar ka loo leeyahay  wax kale lagama rabo ee  waa in ay raacaan shuruucdan hoos ee loo dhigay:
1- Waa in ay ruqsad qaanuuni ah oo sharci ah ka haystaa wasaarada waxbarshada JSl2- Waa in ay u hogaan samaan xidhiidhka wada shaqeyneyd ee iyaga iyo Wasaarada waxbarashada 3- Waa in ay haystaan goob waxbarasho oo ku haboon bay’da waxbarashada caruurta4- Waa in ay haystaan Bareyaal buuxiyey shuruudaha ku xusan xeernidaamiyaha loo sameeyey qodonkiisa 92-aad.5- Dugsiyada gaar ka ahi waa in ay raacaan Jadwalka sanad-dugsiyeedka ( academic calendar ) ee wasaaradda Waxbrashada qaranka 6- Dugsiyada gaarka loo leeyahay waa in ay ku dhaqmaan manhajka qaranka JSL si waafaqsan xeerka waxbarashada JSL ee xeer Lr 77 /20187- Dugsiyada gaarka loo leeyahay waa in bixiyaan cashuurta sanadlaha ah iyo cashuurta shaqaalahooda ee ku waajibtay.8- Dugsiyada gaarka loo leeyahay fasaladooda waa in aanay fadhiisan wax ka badan 45 arday fasalkiiba9- Waa in dugsi waliba iska diiwaan geliyo Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka si loo helo cid loo raaco hadii dhibi ka dhacdo dugsigaas.10-Waa in dugsi waliba warbixin sanadleh ah oo dhameystiran uu gudbiyaa Wasaaradda Waxbarasha sanadkiiba si loola socda tayadooda waxbarsho.
 Waxaa la gudboon Wasaarada Waxbarashada  JSL in ay iyadu yeelato go’aan qaadasho taban si hawshii loo igmaday ay u fuliso:
1- Dugsi kasta oo la yimaada is hortaag go’aan sharci ah oo hayad qaanuuni ah ay soo saartay  waa in ay rusqada lagala noqdaa2- Waaxda kormeerka wasaaradda waxbarashadu waa in ay kormeertaa dugsi kasta oo qiimeyn dhab ah ku sameysaa sanadkiiba3- Dugsiyada aan ruqsada ka haysan Wasaaradda Waxbarashada waa in ganaax iyo digniin la dul dhigaa si ay u qaataan rusqada4- Waa in wasaaraddu tiro koobtaa macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada gaarka ah kadibna ay siisaa rusqada macalimo5- Waa in wasaaraddu macalimiinta ajaanibka ah ee dugsiyadaa wax ka dhiga ay iyagana liisan gaar ah siisaa.6- Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee diida in ay ku dhaqmaan Siyaasada waxbarashada JSL, iyo xeerarka iyo xeegaanada waxbarashada waa in rusqada lagala noqdaa.7- Dusiyada gaarka loo leeyhay ee albaabada ka xidha wada shaqeynta wasaaradda waxbarashada iyo kormeerka wasaaradda  waa in ruqsada lagala noqdaa8- Dusiyada  aan u qalmin in ay waxbarashada sii wadaan ilaa inta ay ka buuxinayaan shuruudaha ku xusan xeernidaamiyaha loo sameeyey waa in la siiyaa rusqad ku meel gaadh ah oo mudo kooban ah ilaa inta ay shuruudaha soo buuxinayaan.9- Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee la seexdo ( boarding schools ) waa in si gaar ah loo kormeeraa iyada la eegaayo nadaafadooda, nafaqada,iyo tayada waxbaradaba10-Dusiyada gaarka ah ee aan keenin manhaj waafaqsan xeerka waxbarashada JSL waa in aan rusqad la siin ilaa inta ay raacayaan manhajka JSL.11- Dhamaan heerarka waxbarashada ee dugsiyada gaarka loo leeyahay waa in lagu jaangooyaa 4-4-4 hadii kale waa in aan la siin liisan buuxa.
Gunaanad: Xeer-nidaamiyaha Waxbarashada  gaar ka ah ee JSL wuxuu waafaqsan yahay dastuurka qaranka iyo xeerka  Waxbarashada JSL ee xeer Lr 77 / 2018. Fiiro Gaar ah:  Talooyinkan aan kor ku  soo jeediyey waxay ku saleysan yihiin  Xeerarka iyo Xeegaanada  Waxbarashada JSL oo uu ugu horeeyo                          Xeernidaamiyaha waxbarashada gaarka loo leeyahay xeer Lr 01/2018.
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive  Education Advisor ED BD PA
United Kingdom
London