ilo xog ogaal ah waxaa ay sheegayaan in qareeno reer Somaliland ah isla markaana Hargeysa ku noola ay dhawaan u dhoofeen Magaalada Moqdisho ee dalka soomaliya
Qareenadan ayaa tiradoodu ay tahay saddex qareen waxaana ujeedkoodu uu yahay sidii ay uga mid noqon lahayeen garsoorka Somaliya waxaana ay isla shalay-ba ka mid ahayeen 215 qof  oo u fadhiistey imtaxaan lagu kala saaraayey garsoorayaal loo qadanaayey maxkamadaha kala duwan ee dalka Somaliya
Saddex-dan Qareen ayaa magacyadooda waxaa la kala yidhaah-daa Garyaqaan Maxamed Xasan Jicsin , Garyaqaan jama Ismail Ali Iyo Garyaqaan Mawliid Maxamed (Ilyo )
Xogahan ayaa sheegaya in Qareenadan ay u badan tahay in ay imtaxaankaas ka gudbi doonan oo ay ka mid noqon doonan Garsoorka Somaliya isla markaana markii hore-ba ay balan qaad kaga baxeen Hargeysa
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Garyaqaanadan