Sadex Garsoore o u Dhashay Jamhuuriyada Somaliland o Imtixaan ka galay Xamr Si ay Ugu Biiraan

0

ilo xog ogaal ah waxaa ay sheegayaan in qareeno reer Somaliland ah isla markaana Hargeysa ku noola ay dhawaan u dhoofeen Magaalada Moqdisho ee dalka soomaliya

Image may contain: one or more people, people sitting, crowd, table and indoor

Qareenadan  ayaa tiradoodu ay tahay saddex qareen waxaana ujeedkoodu uu yahay  sidii ay uga mid noqon lahayeen garsoorka Somaliya waxaana ay isla shalay-ba ka mid ahayeen 215 qof  oo u fadhiistey imtaxaan lagu kala saaraayey garsoorayaal loo qadanaayey maxkamadaha kala duwan ee dalka Somaliya

Saddex-dan Qareen   ayaa magacyadooda waxaa la kala yidhaah-daa Garyaqaan Maxamed Xasan Jicsin , Garyaqaan jama Ismail Ali  Iyo Garyaqaan Mawliid Maxamed (Ilyo )

Xogahan ayaa sheegaya in Qareenadan ay u badan tahay in ay imtaxaankaas ka gudbi doonan oo ay ka mid noqon doonan Garsoorka Somaliya isla markaana markii hore-ba ay balan qaad kaga baxeen Hargeysa

Image may contain: 2 people, people sitting, people standing and suit

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada  Garyaqaanadan