Wasaarada Arimaha Dibada Kenya Oo Baahisay Khariirada Afrika Oo Ay Somaliland Ku Muujisay

0

-Wasaarada arimaha dibada ee Kenya ayaa bogeeda internet-ka ku baahisay khariirada Afrika oo ay si toos ah u kala saartay wadamada Somaliland Iyo Soomaaliya.

Khariirada lagu baahiyey boga wasaarada arimaha dibada Kenya ayaa lagu muuiyey in somaliland ay tahay wadan ka madax banaan soomaaliya, isla markaana ay leedahay khariirad aan ka mid ahayn tan soomaaliya.

Safiirka somaliland ee wadanka Kenya Amb Baashe Cawil ayaa ka hadlay sawirka khariirada ee ay baahisay wasaarada arimaha dibada Kenya isaga oo ku sheegay mid xiiso leh oo ka turjumaya xaqiiqada somaliland iyo soomaaliya.

Amb Baashe Cawil ayaa qoraalkiisa ku yidhi “Waa Khariirad xiiso leh oo lagu baahiyey boga wasaarada arimaha dibada Kenya, waxa uu ina tusayaa in somaliland ay ka madax banaan tahay soomaaliya, balse waxa ka sii xiiso badan in lagu muujiyey in maamulka Jubaland uu yahay maamul gaar ah oo aan ka tirsanayn soomaaliya, waana wakhtiyo xiiso badan oo soo socda.”

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaan ilaa hada ka hadal khariiradan ka soo baxday wasaarada arimaha dibada Kenya inkasta oo uu jiro khilaaf u dhaxeeya Muqdisho Iyo Nairobi oo la xidhiidha dacwada muranka bada ee hortaala maxkamada cadaalada.