Kismaayo Oo Lagu Doortay Laba Madaxweyne Oo Jubboland Yeelanayso Iyo Go’aanka Federaalka Oo Loo Dhag Taagayo

0

Magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubboland waxa lagu soo gaba gabeeyey laba doorasho oo iska garab socday kuwaas oo lagu doortay laba murashax oo la sheegay inay madaxweyne ka noqonayaan maamulka Jubboland

 

Doorashadii ay qabteen baarlamaanka cusub ee maamulka Jubboland ayaa mar kale madaxweyne loogu doortay Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe)..

Murashax Axmed Madoobe ayaa ku soo baxay wareegii ugu horeeyey ee doorashada ka dib markii uu helay codadkii ugu badnaa isla markaana gaadhay intii la doonayey isaga oo urursaday codad tiradoodu gaadhayso 56 halka murashaxii kaalinta labaad galay oo ahaa Canab Maxamed Daahir ay heshay 17 cod iyada oo murashaxa kaalinta sadexaad galay ee Maxamuud Maxamed Cumar uu helay 1 cod, iyada oo aanay jirin cid aan codayn iyo codad xumaaday toona.