Dawlada Kenya ayaa ka hadashay kulan dhexmaray wasiirka arimaha dibada somaliland iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha dibada Kenya.
![]() |
Qoraal lagu baahiyey barta twitter-ka ee wasaarada arimaha dibada Kenya ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay kaga wada hadleen arimo la xidhiidha danaha labada dal.
Qoraalka lagu baahiyey boga twitter-ka ee wasaarada arimaha dibada Kenya ayaa lagu yidhi “xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha dibada Kenya waxa uu kulan wada hadal ah la yeeshay wasiirka arimaha dibada somaliladn Yaasiin Xaaji Maxamuud.”
![]() |
Sidoo kale qoraalka ayaa intaas lagu raaciyey “Labada dhinac waxay falanqeeyeen arimaha la xidhiidha danaha u dhaxeeya labada iyo hababka lagu sii horumarin karo.”
![]() |