Dawlada Kenya oo daboolka ka qaaday kulan dhexmaray wasiirka arimaha dibada somaliland iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha dibada Kenya.

0

Dawlada Kenya ayaa ka hadashay kulan dhexmaray wasiirka arimaha dibada somaliland iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha dibada Kenya.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit

 

Qoraal lagu baahiyey barta twitter-ka ee wasaarada arimaha dibada Kenya ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay kaga wada hadleen arimo la xidhiidha danaha labada dal.

Qoraalka lagu baahiyey boga twitter-ka ee wasaarada arimaha dibada Kenya ayaa lagu yidhi “xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha dibada Kenya waxa uu kulan wada hadal ah la yeeshay wasiirka arimaha dibada somaliladn Yaasiin Xaaji Maxamuud.”

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

 

Sidoo kale qoraalka ayaa intaas lagu raaciyey “Labada dhinac waxay falanqeeyeen arimaha la xidhiidha danaha u dhaxeeya labada iyo hababka lagu sii horumarin karo.”