Siyaasi reer Kenya ah oo Facebook soo fariistay isagoo qayilaya

0

Barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa hadal heyn aad u ballaaran ka abuuray baraha xiriirka bulshada, kadib markii uu isagoo qaad cunaya si toos ah uga soo muuqday bartiisa Facebook-ga.

Waxaa la arkayay barasaabka oo laamo jaad ah oo uu gacanta ku heysto afka ku goosanaya, xilli uu sidoo kale aqrinayay qoraallada ay usoo direen dadka ku taxan bartiisa Facebook-ga.

Mr Sonko ayaa taageerayaashiisa lacago ku harqiyay intii uu muuqaalka tooska ah ku jiray, waxaana uu u sheegayay lambar telefoon ah oo ay macluumaadkooda kusoo dirsadaan.

Muuqaalka oo socday 1 daqiiqo iyo 44 ilbiriqsi ayaa sidoo kale laga arkayay guriga uu dagan yahay barasaabka.

Hase ahaatee goor dambe ayuu Facebook-giisa shaksiga ah ka saaray muuqaalkan, waxaase si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ee kala duwan.

Jimcadii lasoo dhaafay ayuu Sonko taageerayaasha ku xiran Facebook-giisa siiyay lacag dhan Ksh200,000 oo u dhiganta $2,000 oo doolar, kadib markii uu ka codsaday inay u fasiraan muuqaal uu soo dhigay oo ku saabsanaa wareysi laga qaaday Barasaabka ismaamulka Kiambu Ferdinand Waititu oo ku hadlayay Luuqadda Gikuuyada.

Soonko oo horay xilal kala duwan usoo qabtay ayaa xilka barasaabka Nairobi la wareegay kadib markii uu ku guuleystay doorashadii guud ee Kenya ka dhacday sannadkii 2017-kii.

 

Mike Sonko waa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu magaca dheer dalka Kenya, waxaana soo doortay dad gaaraya illaa 7 milyan oo qof oo ku nool caasimadda Nairobi, balse ma ahan nin ka baqaya in uu ka sheekeeyo wixii uu soo maray.

Idaacadda la’iska arko ee Citizen ayuu goor sii horreysay soo fariistay waxa uuna ka sheekeeyay taariikhdii uu soo maray.

Sonko oo marti ku ahaa barnaamijka JKL ayaa barnaamijka la yimid waraaqo badan oo muujinaya musuqmaasuq ka socda maamulka Nairobi, iyo saraakiil badan oo uu shaqada ka eryay, wuxuu dhanka kalena ka sheekeeyay taariikh nololeedkiisa.

“Waxaa habboon in aad bulshada runta u sheegto, runtana waxa ay tahay aniga waxaan soo ahaan jiray tuug, dambiile, khiyaanoole, balse hadda dadka Nairobi oo dhan 7 milyan oo qof ayaa igu aaminay mas’uuliyad, markii aan xildhibaanka noqday (hadda ka hor) ayaan iska dhaafay tuugonimada”, ayuu yiri Soko.

Waxa uu tiriyay dhammaan xabsiyadii uu soo galay oo ay ka midyihiin xabsiyada ugu caansan dalka sida Shimo La Tewa iyo Kamithi, kuwaasoo lagu xiro dambiilayaasha waaweyn.

“Taas darteed ayaan aniga u ahay dawada kaliya ee kooxaha tuugada sirtooda heysa, warqad kasta oo been abuur ah oo la ii keeno waan garan karaa” ayuu yiri Sonko oo dadka musuqa ku shaqaysta uga digay in ay ula tagaan qorshayaal wax lagu xadayo.

Barnaamijka lagu waraysanayay oo socday muddo hal saac ah, ayuu Sonko mid mid uga sheekeeyay dacwadaha musuqa ee uu xaliyay, guryo sharci daro ah oo uu dumiyay, saraakiil uu shaqada ka eryay, dacwado hadda maxkamadda uga socda oo uu isaga furtay.

Waxa uu tusaale usoo qaatay nin ganacsade ah oo uu ka dumiyay dhisme 7 dabaq ah oo kasoo horjeeda xarunta Qaramada Midoobay iyo safaaradda Maraykanka, kaas oo uu sheegay in uu jabiyay xeer hoosaadkii Nairobi ee ahaa in xaafadda dublamaasiyadda ee Nairobi aanan laga dhisi karin guri ka dheer 5 dabaq, sababo la xiriira amniga.

Baraha bulshada ee uu gaarka u leeyahay ayuu Sonko marar badan ku faafiyaa waxqabadkiisa, gaar ahaan hawlaha la dagaalanka musuqmaasuqa, isaga oo xitaa mar Facebook soo galiyay tabin toos ah xilli uu kormeerayay isbitaal ku yaala xaafadda Islii oo ay ka jirtay dhibaato.